Xasan Sheekh oo doorashadda qof iyo codka ka dhiganaya sabab uu ku dheereysana muddo xileedkiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiil katirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay ku jahwareersan yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, kaasoo lagu eedeeyay inuu carqaladeynayo dadaallada dib u dhiska dowladnimada isaga oo ku adkeysanaya doorasho qof iyo cod ah oo aan heshiis lagu ahayn, macquulna ahayn xiligan.

Warbixin ay daabacday Washington Post ayaa sheegaysa in qorshaha Xasan Sheekh uu yahay xeelad loogu talagalay dib u dhigista doorashooyinka iyo in muddo xileedka lagu kordhisto. Maraykanka ayaa kamid ah dowladaha cadaadiska ku saaraya Madaxweynaha inuu shir lagalo mucaaradka, lagana heshiiyo arrimaha khilaaf ka taagan sida nidaamka doorashadda iyo dastuurkawax ka bedelkiisa.

Khilaafka siyaasadeed wuxuu carqaladeynayaa hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, oo soo qaadey hadda weeraro culus oo deegaano ku qabsatay. 

Sida uu sheegay Hussein Sheekh Cali, lataliyaha amniga qaranka, Maraykanku waa saaxiib muhiim ah oo arrimaha amniga ah, waxaana ka bixitaankiisa Soomaaliya si weyn u saameyn doonta dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Iyadoo Maraykanku doonayo inuu joojiyo maalgelinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Midowga Afrika ayaa bilaabay in Afrika u sheego inay isku tashato, maadaama uu dhamaadey waqtigii taageeradda militeri ee Washingon lagu tiirsanaan jiray.

Maraykanku horey ayuu u yareeyay taageerada uu siiyo Ciidanka Danab, iyadoo niyadda ciidanku hoos u dhacday. Taas ayaa suuragelisay in Al-Shabaab xooggeeda kordhiyo, gaar ahaan gobollada dhexe iyo koonfurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo qabanaya Shir kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran u bedelay Xisbi

Shirka la filayo inuu dhaco 15-ka Juun ayaa loo arkaa inuu yahay isku day Villa Soomaaliya ay dib ugu raadineyso sharciyad siyaasadeed.

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 11:51AM

Mahad Salaad oo Dib Loogu Magacaabay Agaasimaha NISA, Qorshaha Villa Somalia oo Hirgalay

Magacaabista Mahad Salaad ayaa timid xilli uu jiray warbixin hore…

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 08:21AM