Xasan Sheekh: Wadahadal baa ka galayaa Khilaafka Dastuurka iyo Doorashadda

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale xaqiijiyey in uu diyaar u yahay in uu la fariisto dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed si loo xalliyo khilaafaadka ka taagan arrimaha waaweyn ee qaranka, oo ay ka mid yihiin isbeddelka Dastuurka iyo qaabka doorashada ee la qorsheynayo sanadka 2026.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta oo Isniin ah, ayaa carabka ku adkeeyey in aanu wax isbeddel ah ku imaan mowqifkiisa ku aaddan in la qabto doorasho toos ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha kama uusan hadlin walaacyada laga muujiyey iibinta hantida guud ee shacabka, arrin si weyn looga hadlayay maalmahan dambe.

Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorasho ee soo socda iyo habraaca ansixinta isbeddelka Dastuurka, taasoo keentay kala aragti duwanaansho u dhaxeysa dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM

Wasiirrada Gaashaandhigga Masar iyo Soomaaliya oo ku kulmay Qaahira si ay u xoojiyaan iskaashiga milatari

Masar ayaa qorsheyneysa inay ku biirto Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

  • Soomaliya

    30-09-2025

  • 12:04PM