Wararka ku geedaaman socdaalka Omamo ee Muqdisho
NAIROBI, Kenya - Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Kenya, Raychelle Omamo, ayaa Axadda maanta ah waxay booqasho rasmiya uga bilaabatay magaaladda caasimadda u ah Soomaaliya ee Muqdisho.
Socdaalka Omamo oo kusoo beegmay iyaddoo Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah ayaa abuuray hadalheyn iyo guux ku dhamaadey wareegto uu soo saarey madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo.
Guuxaas ayaa ka dhashay sheekooyin lagu faafiyey baraha bulshadda kuwaasoo ay wariyeen saxaafadda Kenya kuna saabsan ajandaha iyo ujeedada dhabta ah ee ka dambeysay socdaalkan xasaasiga ah.
Majaladda The Star oo soo xiganeysa mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada Kenya ayaa ku warantay in ajandaha uu qeyb ka yahay dacwadda badda ee ka dhaxeysa labadda dal deriska ah.
"Ajandaha waxaa xudun u ah muranka haatan hortaala Maxkamadda Cadaaladda aduunka. Wasiirkeena sharafta leh waxay la kulmi doontaa dhigeeda Soomalaiya, ra'iisul wasaaraha iyo ugu dambeyntii madaxweynaha [Farmaajo]," ayuu yiri mas'uulkan aan lasoo bandhigin magaciisa.
Casuumaad booqasho Kenya
Garowe Online ayaa Omamo ay Rooble u sido warqad casuumaad booqasho uu ku tago Nairobi halkaasoo uu wadaxaajoodyo kula yeelanayo madaxda Kenya kalana hadlo diblumaasiyadda iyo ganacsiga.
Warbaahinta baraha bulshadda ee taageerta maamulka Farmaajo ayaa faafisay dacaayado ka dhan ah Rooble kuwaasoo ku saabsan in uu galayo heshiis qarsoodi ah kuna saabsan badda iyo ganacsiga.
Qadiyadda ganacsiga waxaa ku hoos-jirta soo celinta Khaadka Miiraha ee Kenya taasoo maamulka Farmaajo u mamnuucay sababo la xiriira si uu suuq u helo Jaadka Itoobiya oo walaalkii Xasan uu u soo dego.
Xafiiska Rooble iyo guud ahaan xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa illaa haatan wax war ah kasoo saarin socdaalkiisa Kenya. Isku-dayo la doonayay in wax looga waydiiyo ayaan wali guuleysan.
Kenya ayaa si weyn ugu ololeysay in dacwadda badda lagu soo afjaro wadahadalo. Hase ahaatee, waxaa arrintaas ka biyo-diidey Muqdisho oo ku adkeysatay in ay xukun kasoo saartay maxkamadda ICJ.
Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay todobaadkii horey kasoo horjeesatay dalab ka yimid Kenya kuna saabsanaa in Midowga Afrika uu soo kala dhex-galo dacwadda badda iyaddoo ku adkeystay go'aanka maxkamada ICJ.
GAROWE ONLINE