Norway: Soomaaligii ugu horeeyay oo u geeriyooday fayruska Corona

Image

OSLO, Norway – Qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah ayaa caasimadda Norway ee Oslo wuxuu ugu geeriyooday fayruska Corona, sidda uu baahiyey Telefishinka ku hadla afka Dowladda Federaalka ah.

Sidda ay muujineyso warbixinta, Axmed Faarax Cali, oo 70-sano jir ahaa, ayaa cudurkaan uu soo ritay saddex maalmood kahor inta uusan dhiman oo ahayd habeenimadii Jimcadda.

Geerida Cali ayaa sare u qaadeysa tirada Soomaalida wadamada caalamka ugu dhimaneysa xanuunkaas.

Sweden iyo Ingiriiska ayaa lagu waramay in ay ku geeriyoodeen tobanaan ruux, wallow aysan caddeyn tiradda.

Soomaali kale ayaa isbitaal u jiifa caabuqa, oo uu ku jiro Nuur Cadde, ra'iisul wasaarihii Dowladdii ku meelgaarka ah. Isbitaal ku yaala caasimada UK ee London ayaa lagu daaweynayaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Nuur Cadde iyo Soomaalida ee la ildaran xanuunka u rajeeyay soo kabasho, isagoo ku dhintay ALLE uga baryey naxariistiisa iyo in uu ka waraabiyo Janatul Firdowza.

Sikastaba, dalka Norway, kiisaska Covid-19 ayaa waxay kor-u-dhaafayaan saddex kun oo qof, iyadoo dadka u geeriyooday ay iyaguna ka badan tahay 20, marka lagu daro Odaygan Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM