Sidee uga falcelisay Ilhaan Cumar xil-ka-qaadistii afhayeenka Kongreska?

Image

WASHINGTON - Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay xilka qaadistii ku timid Kevin McCarthy oo ahaa afhayeenkii Kongreska Mareykanka kaas oo dhawaan xilka laga qaaday.

Ilhaan Cumar ayaa ku daabacday barteeda “X” qoraal ay uga hadleeso xil ka qaadistan, iyada oo dhaliil u jeedisay habka uu ku maareynaayay Golaha.

Ilhaan ayaa tiri: “Kevin McCarthy wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu bartilmaameedsado haweenka, wuxuu ka dhigay hadafkiisa inuu qariyo dambiyadii uu ku kacay Donald Trump.”

Ilhaan Cumar ayaa horay dhaleeceyn kulul u jeedisay John McCarthy, waxaana sabab u ah khilaafka dhexdooda ah in ay ka kala tirsan yihiin labada Xisbi ee Dimuqraadiga & Jamhuuriga.

Waxaana xusid mudan in xisbiga Jamhuuriga ah oo xubinimadii Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Kongreska ka xayoobiyay Ilhaan Cumar 3dii Febraayo ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad horleh oo ku geeriyootay duqeyn ay Yahuuda ka geysatay Gaza

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay waqooyiga Qaza ay sii socoto, oo ay ku xanniban tahay ilaa 400,000 oo Falastiiniyiin ah.

  • Caalamka

    15-10-2024

  • 05:46AM

Israa'iil oo askar badan looga dilay weerar loo adeegsadey drones

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado saldhig ay Israa’iil leedahay.

  • Caalamka

    14-10-2024

  • 07:48AM