Trump oo eryay lataliyihiisii arrimaha amniga ee John Bolton

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka qaadey lataliyihiisa arrimaha ammaanka, John Bolton.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Trump ku sharaxay sababta ku kaliftay in uu Aqalka Cad dibada uga saaro siyaasigan saameynta leh.

"Waxaan habeenkii hore ku wargeliyay in adeegyadiisii aanan looga baahneyn Aqalka Cad [guriga looga arimiyo dalweynaha Mareykanka]," ayuu yiri Trump.

Mas'uulka cusub ee bedeli doona Bolton ayaa waxaa la filayaa in lasoo magacaabo todobaadka soo aadan, sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo ay soo xigatay warbaahinta.

Mr Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray: "Waxaan si xoogan isugu maandhaafnay arrimo badan oo uu iisoo jeediyay". Ma uusan shaacina arrinta.

Shaacinta madaxweyne Trump ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadda oo warar ay sheegayaan kala qeybsanaan xoogan oo soo kala dhex-gashay wasiirada Trump.

Kala qeybsananata ayaa lagu waramayaa in ay ka dhalatay kulankii uu baajiyey Trump, kaasi oo uu la lahaa hogaamiyeyaasha Taliban, kaasi oo qabsoomi lahaa isbuucan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM