Somalia: Maxkamada Ciidamada Puntland oo dil ku fulisey xubno ka tirsan Al shabaab

Image

BOSSASO, Puntland- Maxkamada ciidamada Puntland ayaa dil ku fulisay 7 eedeysane oo ka tirsanaa ururka Al shabaab kuwasoo qaar kamid ah dilal gaysteen halka kuwo kale lagu qabtey iyaga oo qaraxyo soo galinaya magalaada Bossaso.

Xeer ilaaliyaha Maxkamada ciidamada ee Shanta gobol oo ka tirsan Puntland  Col. Cabdullaahi Xirsi Cilmi ayaa sheegey in 7 qof dalka lagu fuliyey 5 kamid ah gaari yar ku sidey jawaano qaraxyo laga soo buuxiyey halka 2 kamid ah kooxda al shabaab dilal ka fuliyeen magalaada Galkacayo kuwasoo dil lagu xakumey sanadkii 2015.

Labada eedeysane Galkacayo laga soo wareejiyey ayaa mid kamid ah Xeer ilaaliyahu sheegey in magalaada Galkacayo ku diley 23 qof isagoo qirtey in dambigaan uu galey halka nin la yiraahdo Cabdixakiin Xasan Xaamud uu dil iyo dhaawac ka gaystey Hotel Cagaar Wayne oo ku yaal magaalo madaxda gobolka Mudug.

Cabdixakiim ayaa lagu qabtey xaafada Wadajir oo ka tirsan magaalada Galkacayo dhinaca maamulka Galmudug ka arimiyo, isagoo la soo raacey dhiig ka daadanayey.

Magacyada Shanta eedeysane oo lagu qabtey qaraxyada.

1-Cabbaas Ibraahim Yare Adam 

2-Ibraahim Maxamed Canshuur

3-Dhaqane Cabdi Aadan 

4-Xasan Aadan Nuur Aada

5- Nuur Cabdi Aadan Isaaq

Magacyada labada eedeysane oo magalaada Galkacayo ku diley dadka.

1- Cabdulqaadir Maxamad Cali- magalaada Galkacayo waxaa  uu ku diley 23 qof

2-Cabdixakim Xasan Xaamud 

Toogashada eedeysanahaan oo ah midii labaad ay Maxkamada ciidamada tan iyo intii madaxweyne Gaas xilka qabtey ayaa imaaneysa xilli kooxda al shabaab weerar gaadmo ku dileen ciidamo ka tirsan dowlada Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM