Puntland: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada oo ku shiray Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Boosaaso – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Md. Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Md. Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Fadhigan ayaa diiradda lagu saaray Amniga guud ee Puntland, hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland, iyo arrimo kale oo muhiim ah. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa boggaadiyey geesinimada iyo naf-hurnimada Ciidanka Puntland ee ku mideysan hawlgalka Hillaac, kaasoo ka socda Buuraleyda Cal-Miskaad ee Gobolka Bari.

Guddigu waxa ay ciidamada u hambalyeeyeen guulaha ay gaareen iyo dedaalka ay ugu jiraan ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraleydaasi.

Sidoo kale, Guddiga Joogtada ah ayaa Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo shuhadadii ku shahiiday hawlgalkan, iyagoo difaacaya diinta, dalka, iyo dadkooda. Waxay sidoo kale u rajaynayaan dhammaan dhaawacyada inuu Alle bogsiiyo si degdeg ah.

Shirka Guddiga Joogtada ah waxaa sidoo kale looga hadlay shaqooyinka guddiga, gaar ahaan falanqeynta go’aamadii ka soo baxay Kalfadhigii 55-aad ee Golaha Wakiillada. Go’aamadan waxaa ka mid ahaa:

Guddiga Soo Ururinta Xogta Gobollada iyo Guddiga La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda, kuwaas oo si rasmi ah loogu beddelay go’aan guddi joogto ah, loona gudbiyey Madaxtooyada.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada waxa ay u mahadceliyeen shacabka Puntland, oo door muuqda ka qaadanaya hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland, iyagoo muujiyey midnimo iyo garab istaag ciidan, waxayna shacabka ugu baaqayaan in la labajibaaro garab istaaga ciidankooda dagaalka kula dira kooxda arxanlaawayaasha ah ee duulaanka ku soo qaaday deegaannada Puntland.

Ugu dambayntii, Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu door muhiim ah ka qaato hawgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee duulanka qaawan ku soo qaaday Puntland, iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona mas’uuliyiiinta taakulayna ciidanka iyo daawacyada kala duwan lagu dabiirayo Cisbitaallada magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM