Soomaaliya: Gaas oo agaasimihiisii hore in Safiir loo magacaabo Muqdisho uga raadinaya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" oo ku sugan maalmahaan magaalada Muqdisho ayaa ilo lagu kalsoon yahay waxay warsidaha GO u shegeen in agaasimihiisii guud ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha u raadinayo in loo magacaabo safiirka Soomaaliya u fadhiyi doona wadanka Mareykanka, isagoo waqtigan ah wakiil  Muqdisho iyo Nairobi.

Cabdiraxman Cabdi Warsame "Burhaan DIO MIO" oo isku beel yihiin,  Gaas ayaa wararka ku wareegsan waxay sheegayaan in Madaxweynuhu waydiisan doono xilkaan madaxda sare ee dowlada Federaalka. Gaas ayaa Wasiirka cusub ee Wasaraada arimaha dibada Soomaaliya Axmed Cawad ka codsadey in dhinaciisa uu soo codsado ninkan isaguna dabada ka riixi doono markuu soo jeediyo.

Burhaan Dio MIO iyo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sida warsidaha Garowe Online og-yahay xiriirkoodu xumaadey markii shaqada uu ka qaadey “Agaasimaha guud ee xafiiskiisa Ra’isal wasaraaha” balse waxay dib u wada shaqeeyeen markii loo doortey xilka Madaxweynaha Puntland.

Burhan Dio Mio Bidix, Madaxweyne Gaas dhexda- Xuquuqda sawirka barta Facebook Burhaan

"Waxaa labadooda ka dhaxeeya xiriir dhaqaale balse ma jiro xiriir siyaasadeed ee ka dhaxeeyey wayadaan dambe, taasna waxaa markhaati ka ah in Madaxweyne Gaas ka hor-istaagey Burhaan Dio Mio inuu noqdo Senator aqalka sare isagoo taageero ka haysta qaar ka tirsan issimada Mudug," sidaa waxaa GO u sheegey qof si wanaagsan u yaqaan labadaan qof.

Warsame ayaa Madaxweyne Gaas wakiil uga ah tageerada dhaqaale iyo raaahin dowlada Turkiga siiso Puntland isagoo xiriirka labada dhinac si dhow uga warhaya. Burhaan Dio Mio ayaa dhinaca kale safaro dalka Turkiga u raacey Cabdiweli Gaas halka marar badan safiirka dalkaas u fadhiya Muqdisho keeney xarunta dowlada Puntland ee Garowe. 

In muddo ah Cabdiraxman Cabdi Warsame waxaa Madaxweyne Gaas uu kala qayb galayey kulamada Muqdisho ay ku yeeshaan madaxda maamulada iyo dowlada Federaalka isagoo hogaamin jirey guddiyada Puntland u xilsaarato wadaxaajoodyada dhinacyadaan ee arimaha Soomaaliya.

Dio Mio ayaa dabgal iyo ka warqab ku sameeya heshiisyada kulamadaan iyadoo dhowaan Madaxweyne Gaas u magacaabey madaxa guddiyadda dhinaca Puntland u qaabilsan la socodka fulinta go'aamada kasoo baxa kulamada looga hadlo amniga qaranka kuwasoo maamulada Soomaalida iyo dowlada Federaalka intooda badan ku qabsadaan Muqdisho.

Burhaan oo ku guda jira shaqada Gaas u magacaabey- Xigasho bartiisa Facebook

Talaabadaan ayaa kamid ah curyaaminta Madaxweyne Gaas ku sameeyey hay'adaha Puntland shaqooyinka ay qaban jireen isagoo Wasiirada Wasaaradaha iyo howl-wadeenadooda aan kalsooni ku qabin sidaas darteed-na dad ku dhow xilal badan oo noocaan kale ah geeyey. Xilalkaan ayaa u badan kuwo ku wajahan la xiriirka hay'adaha caalamiga ah oo bixiya barnaamijyada dib loogu dhisayo hay'adaha dowliga ah islamarkaana lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa socda dadaalo kale ay wadaan shaqsiyaad kale oo kasoo jeeda degaanada Puntland kuwasoo qaarkood codsiyadooda u gudbiyey Villa Soomaaliya iyadoo ay dabada ka riixayaan qaar ka tirsan madax dhaqameedkooda.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad oo kasoo jeeda degaanada Puntland ayaa inta aan xilka loo magaacaabin waxaa uu ahaa safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka.

Safiirada iyo shaqaalaha dalka Soomaaliya u fadhiya dalalka saxiibka la ah dalka ma aha kuwo dhaqaale ka hela dowlada Federraalka ah balse waxay ku tiirsan yihiin iney maaliyad ahaan wadamada ay joogaan iyo qurbo joogta la nool taasoo xadgudub ku ah qaranimada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga filayaa in safiiro u magacaabo dalalka qaarkood kuwasoo xubnihii joogey dib loogu yeeray dhowaan balse dadka la socda ayaa sheegaya in dib u dhac ku yimid ku dhawaaqistooda.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Deni oo ku dhawaaqay inuu billowday wajiga 2aad ee dagaalka Daacish [Sawirro]

Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

  • Puntland

    30-01-2025

  • 03:04PM

Madaxweyne Deni oo Tusaale U Noqday Dagaalka Argagixisada Soomaaliya

Tallaabadan ayaa muujinaysa taageerada ballaaran ee shacabka Puntland iyo guulaha muhiimka ah ee ay gaareen ciidamada.

  • Puntland

    29-01-2025

  • 09:16AM