Xildhibaan katirsan Barlamanka Puntland oo qarax lala eegtay

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Xildhibaan kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa goordhaweyd qarax lagula eegtay gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, xilli uu watay gaarigiisa.

Wararka aan ka helayno dad goob joogayaal ah oo la hadlay GO, ayaa sheegaya in Xildhibaanka Cabdulqaadir Farax Bootaan qarax loogu xiray baabuurkiisa isagoo kasoo baxay Hotel Clasic ee magaalada Galkacyo.

“Xildhibaan kamid ah Barlamanka Puntland, ayaa mar dhaweyd qarax lala eegtay, isagoo saaran baabuurkiisa, waxaana lagu qarxiyay hotel Clasic agtiisa,”Sidaas waxaa GO u sheegay ruux goob jooge ah.

Mudanahan, ayaa wararku sheegayaan inuu soo gaaray dhaawac aad u culus iyadoo loola cararay cusbitalka guud ee magaalada Galkacyo.

Majirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso xararka Al Shabaab.

Qaraxan ayaa yimid xilli amniga Galkacyo uu muddooyinkii dambe aad u wanaagsanaa.

Xildhibaan Botan oo kamid ah mudanayaasha Barlamanka Puntland kasoo gala dhinaca gobolka Mudug, ayaa ku jira Guddi nabad-galyada ee loo xil-saaray gobolkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM