Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho oo xiran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa xiran maanta aqalka dowladda Hoose ee Muqdisho, kadib markii la duldhigay ciidamada katirsan kuwa Nabad Sugida, kuwaasi oo hakiyay dhaq-dhaqaaqa xaruntaasi.

Tallaabadan ayaa ka dambaysay markii xalay ka dhacday xarunta doorasho 17-ka Gudoomiye ee degmooyinka gobolka Banaadir ay labo sano oo dheeri ah Thaabit ugu doorteen duqa Muqdisho, markii xilka laga qaadey.

Shaqaalaha iyo dadkii adeegyada ka doonayay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa saaka ku waaberiisttay gaadiidka dagaalka oo ku horjaran dhisamaha, iyadoo loo diiday inay galaan.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyagoo kahor tagey dibadbaxyo lasoo abaabulay oo lagu taageerayo Thaabit.

Gudoomiyaha xilka laga qaadey Thaabit Cabdi Maxamed ayaa la sheegay inuu wali ku sugan yahay Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho, waxaana la filayaa in maamulka cusub la wareego shaqada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa digreeto xilkii uga qaadey Thaabit Cabdi Maxamed, gudoomiyihii gobolka Banaadir, kadib markii lagu eedeeyay inuu iibiyay dhul hantida qaranka ah oo ku yaalla Caasimadda. Halkan ka akhri.

Waxaa lagu bedelay Thaabit Wasiirkii hore ee Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Yariisow, oo isku beel ay kasoo jeedaan, iyadoo sidoo kale la magacaabay ku xigeenno dhowr ah, oo dhalinyaro u badan. Halkan ka akhri.

Thaabit ayaa xilkan hayay mudo 10 bilood ah laga soo billaabo April, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ahayd warqadda Xasan Sheekh u qoray Trump?

Waxaa uu codsaday in Madaxweynaha Trump uu u soo diro wafdi Muqdisho “wakhti ku habboon labada dal” si loogu sii wadahadlo dalabka.

  • Soomaliya

    29-03-2025

  • 09:48AM

Xarunta Boqor Salmaan oo hirgelinaysa Masharuuca qaybinta Zakada Fidriga ee Sanadka 1446H -2025

Ujeedada mashruucan ayaa ah in la yareeyo culeyska nololeed ee qoysaska, loogana dhigo mid farxad leh maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga.

  • Soomaliya

    28-03-2025

  • 06:50PM