Ciidankii Hub la galay Gollaha Shacabka oo xabsi la dhigay [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Generaal Cabdiweli Jaamac "Gorod", ayaa shaaciyay in xabsiga la dhigay Koox Askar ah oo hub la galay shalay xarunta Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Askartan oo tira ahaan lagu qiyaasay 45 ayaa la socday Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, oo shalay la wareegay xarunta xilli Xildhibaanno iska soo horjeeda kulan ku lahaayeen.

Kulanka ayaa u baaqday fowdo dhacday kadib markii sida la sheegay Ciidamo ka amar-qaata Kooxda Jawaari u diideen Xildhibaanada kale inay galaan qabsadaan fadhi ay cod uga qaadi rabeen Mooshinka.

Jeneraal Gorod, oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Askar ku lebisan Dareeska Militeriga iyo kuwa dhar-cad ah ay shalay gudaha xarunta ay galeen, si dhib leh looga soo saarey.

Waxa uu intaasi ku daray Gorod in ay ku raadjoogaan Askar kale oo baxsatay, kuwaasi oo qeyb ka ahaa Ciidamada amar diidada sameeyay, ee hubka la galay xarunta Gollaha Shacabka maalintii shalay.

Xildhibaano katirsan kuwa la safan Jawaari ayaa la rumaysan yahay inay hubaysan yihiin, oo ay leeyihiin Ciidamo u gaar ah kuwaasi oo lagu eedeeyay inay caqabad ku yihiin qaabsoomida kulanka Gollaha Shacabka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Muddo kororsiga lagu eedeeyay

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan waqtiga doorashada soo socota.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 07:21AM

Mucaaradka oo Dacwad Ka Gudbinaya Madaxweyne Xasan Sheekh

Xiisaddan ayaa timid maalin kadib markii iska horimaad hubeysan uu ka dhacay Saldhigga Booliska Degmada Warta Nabadda.

  • Soomaliya

    25-09-2025

  • 05:32AM