Dowladda Soomaaliya oo War Cusub kasoo Saartay Kiiska Sacdiya Bajaaj ee Muqdisho Lagu Xiray
MUQDISHO — Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu baaritaan ku hayo kiiska Sacdiya Moallim Cali Xasan [Sacdiya Bajaaj], oo ah darawalad bajaaj ka waday magaalada Muqdisho, kadib markii xariggeeda uu dhaliyay hadal-heyn iyo cambaareyn uga timid mucaaradka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.
Sacdiya ayaa la xiray 12-kii April, waxaana lagu eedeeyay aflagaaddo madaxda dowladda iyo kicin dadweyne, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in baaritaanka kiiskan uu qeyb ka yahay waajibaadka xeer ilaalinta ee ilaalinta sharciga, la dagaallanka dambiyada iyo sugidda amniga iyo kala dambeynta bulshada. Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in kiiska uu marayo heerar kala duwan oo baaritaan ah, islamarkaana loo gudbin doono maxkamadaha awoodda u leh marka baaritaanku dhammaado.
“Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud wuxuu ka go’an yahay xaqiijinta caddaaladda, ka hortagga dambiyada iyo ilaalinta danaha bulshada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xarigga Sacdiya ayaa dhaliyay cambaareyn uga timid siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ku eedeeyay dowladda inay caburin ku heyso dhalinyarada muujinaya aragtidooda. Mucaaradka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo xorriyadda hadalka iyo xaqa dibadbax nabadeed.
Dhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah looDhanka kale, hay’adda Amnesty International ayaa hore ugu baaqday dowladda Soomaaliya in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Sacdiya. sii daayo Sacdiya.
Hay’addu waxay sheegtay in Sacdiya aan loo oggolaan helitaanka qareen, isla markaana qoyskeeda aan lagu wargelin dacwad rasmi ah. Sidoo kale, hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in xariggeeda uu la xiriiro dhaqdhaqaaqyo ay ku sameysay baraha bulshada iyo ka qeybgalkeeda dibadbaxyo nabadeed oo lagu dhaliilayay dowladda federaalka.
Arrimaha lagu dhaliilayay dowladda waxaa kamid ahaa musuqmaasuq, shaqo la’aan, eex, canshuuraha sare iyo kororka qiimaha shidaalka.
Mid kamid ah muuqaallada lagu baahiyay internetka ayay Sacdiya ku sheegtay in wixii dhibaato ah ee soo gaara ay mas’uul ka noqon doonaan madaxda dalka.
Amnesty International ayaa xarigga Sacdiya ku tilmaantay mid sharci darro ah, iyadoo sheegtay in lagu bartilmaameedsanayo isticmaalka xuquuqdeeda xorriyadda hadalka.
Hay’addu waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay si degdeg ah u sii deyso ama ay xaqiijiso in xariggeedu waafaqsan yahay heerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan helitaanka qareen, booqasho qoys iyo adeeg caafimaad oo ku filan.
GAROWE ONLINE