Gaas oo garoonka diyaardaha Brussels kaga tagey Axmad Madoobe [ Sabab]

Image
Image

BRUSSELS: Waxaa galabta kasoo dagay garoonka diyaardaha magaalo madaxda wadanka Belgium ee Brussels labo wafdi oo ay kala hogaaminayeen Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubaland kuwasoo sida warsidaha Garowe Online ogaadey lagu kala reebey gudaha garoonka.

Wafdiga Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa waxaa qaban-qaabiyaasha shirkaan oo ay hageyso safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Belgium u leexiyeen qaybta VIP halka Madaxweyne Axmad Madoobe iyo xubnihii la socdey ay kasoo muuqdeen iridka rakaabka caadiga ah kasoo baxaan halkaasoo uu kula kulmey shacabkii iyo qaar ka tirsan madaxda maamulkaas oo ku sugayey halkaas.

Madaxweynaha Puntland oo gudooomiye u ah golaha maamulada Soomaaliya islamarkaana diyaarada la saarnaa Madaxweynaha Jubaland ayaa ogolaadey sida ka muuqatey Video toos ah oo baraha bulshada kasoo muuqdey in dowlada Federaalka kala qaybiso labada wafdi islamarkaana kala siiso hab maamuus kala duwan “Protocol.”

Axmad Madoobe oo garoonka diyaardaha Brussels ku soo dhoweeyeen Wasiiradiisa & dadweyne

Dhinaca kale Madaxwayne Gaas oo muddo xileedkiisa ku egtahay sanadkaan dhamaadkiisa ayaa sida warsidaha GO ogaadey dad aan ka badneyn tobaneeyo ku soo dhoweeyeen albaabka VIP ee garoonka diyaardaha Brussels halkaasoo uu ka qaadey gaari kaliya kasoo ay ku qoreyneyd calamaada shirka loo qabanayo madaxda Soomaaliya.

Maamulka Jubaland iyo Villa Soomaaliya ayaa waxaa wayadaan dambe u dhexeeyey Khilaaf xoogan kaas oo sababey in magaalada Kismayo dib looga soo celiyo abaanduulihii ciidamada dowlada Federaalka oo damacsanaa inuu kasoo dago magaalada Kismaayo.

Dowlada Federaalka ayaa waxay si aan qarsoodi aheyn ugu mashquulsan tahay sidii khalkhal siyaasadeed ugu sameyn laheyd  Jubaland iyadoo qaar ka tirsan gobolada uu maamulkaan ka arimiyo gaar ahaan gobolka Gedo u dhiseyso ciidamo ka madax banaan Kismaayo.

Waxaa horey khilaaf muddo qaatey xalintiisa u dhexmarey maamulka Jubaland iyo dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh kasoo markii dambe ku dhamaadey in Villa Somalia aqbasho dhismaha maamul goboleedkaan oo ay hortaagneyd xiligaas.

Madaxweyne Axmad Madoobe ayaa waxaa la filayaa dabayaaqada sanadka soo socda in maamulkiisa ay ka dhacdo doorasho taasoo sababtey in dowlada Federaalka martigaliso siyaasiyiin mucaarad ku ah kuwasoo shirar ku qabsadey magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM