Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Lacageed gaarsiisay Haweenka danyarta ah ee Gobolka Banaadir

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta deeq Lacageed ku wareejisay Haweenka danyarta ah ee ku nool gobolka Banaadir, si ay ugu iibsadaan afurka carruurtooda iyo qoysaskooda, oo bisha Ramadan wajahaya duruufo adag oo dhanka nolosha ah.
 
Ku dhawaad 120 Haween Soomaaliyeed ah, oo isugu jira kuwa Danyar ah, kuwa ilmo agoon ah korinaya, iyo kuwo qaba baahiyaha gaarka ayaa kafaa'ideestay deeqdan lacageed ee ka timid Hay'adda Hormuud Salaam Foundation, oo ah garabka samafalka Shirkadda Hormuud Telecom iyo Salaam Somali bank.
 
Madasha lagu qaybinayay oo ahayd Xarunta Gabdhaha Agoonta ee degmada Boondheere, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Hay'adda Hormuud Salaam Foundation.
 
Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Hormuud Salaam Foundation Raaxo Xuseen Xirsi ayaa sheegtay in deeqdan ay gaarsiiyeen haweenka danta yar ay qeyb ka tahay mashruuca taakuleynta bisha barakeysan ee Ramadan, oo kumanaan danyar ah lagu caawinayo.
 
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa kaga mahad celisay Hay'adda Hormuud Salaam Foundation in sanad walba deeqdaan ay siiso haweenka danyarta ah ee ku nool Gobolka Banaadir.
 
Haweenkii ka faa'ideystay ayaa uga mahadceliyay hay'adda Hormuud Salaam Foundation deeqda ay soo gaarsiisay. Qof walba oo kamid ah haweenka danta yar ayaa la siiyay lacag dhan $50, taasoo wax badan ka bedelaysa noloshooda xiligan.
 
Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maalmihii lasoo dhaafay deeqo gargaar oo isagu jira raashiin qallalan, dhowr neef oo Geel ah iyo lacag cadaan ah gaarsiisay Xabsiga Dhexe, Isbitaalka Martiini, SWC, SOHEDA iyo Dr Habeeb, halkaasoo dad danyar ah loogu qeybiyay.
 
Sanad walba ayay hay'addu sameysaa masharuuca Taakuleynta Bisha Ramadan, iyadoo sidoo kale gurmad caafimaad u fiday Carruur Soomaaliyeed oo xanuunka wadno-furanka qabay, oo gudaha iyo dibadda loogu sameeyay qaliimo casri ah.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkaynaysa doorasho qof iyo cod xili dowladiisa hal sano u hartay

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay inay hirgeliso doorashooyinka qof iyo cod

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 07:35AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u cusboonaysiiyay cafiska xubnaha Al-Shabaab

Wuxuu shacabka u xaqiijiyay in dowladda ay qaadayso tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo hubiyo ammaanka iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    08-03-2025

  • 01:03PM