Howlgal dhanka Cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan ‘AS’

Image
Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay 4 ka tirsan 'AS'

Kismaayo, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ku qaadeen fariisin ku yaalla Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS.

Howlgalka ayaa ka dhacay meel 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay 4 ka tirsan AS, waxaana howlgalkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay, inay ka go’an tahay ka hortagga Kooxda “AS”, iyo la shaqeynta saaxiibada caalamka oo uu ku jiro Mareykanka, si loo gaaro xasillooni ka dhalata Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab Oo Dib U Qabsatay Deegaano Cusub Oo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Arrintan ayaa qeyb ka ah iska horimaadyada sii xoogeysanaya ee ka dhex jira dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    08-03-2025

  • 07:35AM

Ciiddamo Hubeysan iyo Gaadiidka Millateriga Oo Laga Mamnuucay Garoonka Aden Adde

Talaabada cusub ee amniga ayaa qayb ka ah qorsheyaal ballaaran oo ay dowladda Soomaaliya ku hirgelinayso si looga hortago hanjabaadaha amni ee kordhay.

  • Soomaliya

    07-03-2025

  • 07:37AM