Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Hormuud Salaam Foundation ayaa maalintii 8aad qeybinaysa deeqaha Gargaarka ay ugu tala-gashay dadka danta-yar ee aan awoodin afurka bisha Ramadan, waxaana mashruucan taakuleynta ah ka faa'idaysana kumanaan qof.
Maanta oo Sabti ah, ku dhawaad 100 qoys oo tabaaleysan ayay hay'adda ay qeybisay deeq ka koobnayd Bur, Bariis, Sonkor, Saliid iyo Timir si ay ugu moodaan inta lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadan, oo 10-keeda hore sii dhamaanayo.
C/raxmaan Ibraahim Cilmi, oo ah Gudoomiye ku xigeenka Hay'ada Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay in deeqda maanta ay gaarsiyeen xarunta SOHEDA, halkaasoo lagu kulmiyay dadka caawinaada u baahan, oo looga farxiyay.
Gudoomiyaha SOHEDA Saciid Abuukar Maxamed ayaa uga mahadceliyay Hay'adda Hormuud Salaam Foundation deeqda ay maanta gaarsiisey, oo ahayd mid aad danka la siiyay ugu baahnaayeen, maadaama xaalado iyo duruufo adag ay ku soomayaan.
Dadkii ka faa'ideystay deeqada ayaa dhankooda uga mahadceliyay Hay adda Hormuud Salaam Foundation oo ay ku amaaneen inay sanad walba illoobin oo deeqaha raashiinka kala duwan iyo lacagta ku caawisa.
Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC, iyadoo ay qorsheysan tahay xarumo kale inta bishan lagu jiro. Hormuud Salaam Foundation waa garabka samafalka Bangiga Salaam Somali iyo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom.
GAROWE ONLINE