Laftagareen oo eryay wasiiro ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] ayaa xilka ka qaadey laba kamid ah xubnaha Golahiisa Wasiirada.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa  oo uu arkay warsidaha Garowe Online, wasiiradda xilka laga qaadey ayaa waxay kala yihiin; Warfaafinta iyo Macdanta.

Ilyaas Saciid Cali [Qalinle] ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafina iyo Wacyi-gelinta dadweynaha, halka Suleymaan Shuceyb Cali laga dhigay wasiirka Macdanta iyo Batroolka.

Bishii June 24-keeda ayay ahayd markii Laftagareen uu isku shaan-dheyn ku sameeyay xukuumadiisa, iyaddoo ay xilalkooda waayeen wasiiro, kuwa kale oo cusub la magacaabay.

Isbedeladan oo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa ayaa kusoo hagaagaya xilli maamulka uu qorsheynayo in uu u wareego xaruntiisa rasmiga ah ee Baraawe.

Baraawe ayaa dhowaan loo dhisay garoon diyaaradeed oo dood badan ay ka dhalatay lacagta ku baxday markii roob xoogan oo da'ay ay saameyn ku yeesheen dhabaha caga-dhigashada.

Maamulka Lafta-gareen ayaa gacansaar dhow la leh Villa Soomaaliya oo wajaheysa dhaliilo ku aadan in aysan dooneyn doorashooyinka la qorsheeyay sanadkan 2020-21 ay waqtigooda ku dhacaan.

WAREEGTADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM