Laftagareen oo eryay wasiiro ka tirsanaa maamulka Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta-gareen] ayaa xilka ka qaadey laba kamid ah xubnaha Golahiisa Wasiirada.

Sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa  oo uu arkay warsidaha Garowe Online, wasiiradda xilka laga qaadey ayaa waxay kala yihiin; Warfaafinta iyo Macdanta.

Ilyaas Saciid Cali [Qalinle] ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafina iyo Wacyi-gelinta dadweynaha, halka Suleymaan Shuceyb Cali laga dhigay wasiirka Macdanta iyo Batroolka.

Bishii June 24-keeda ayay ahayd markii Laftagareen uu isku shaan-dheyn ku sameeyay xukuumadiisa, iyaddoo ay xilalkooda waayeen wasiiro, kuwa kale oo cusub la magacaabay.

Isbedeladan oo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa ayaa kusoo hagaagaya xilli maamulka uu qorsheynayo in uu u wareego xaruntiisa rasmiga ah ee Baraawe.

Baraawe ayaa dhowaan loo dhisay garoon diyaaradeed oo dood badan ay ka dhalatay lacagta ku baxday markii roob xoogan oo da'ay ay saameyn ku yeesheen dhabaha caga-dhigashada.

Maamulka Lafta-gareen ayaa gacansaar dhow la leh Villa Soomaaliya oo wajaheysa dhaliilo ku aadan in aysan dooneyn doorashooyinka la qorsheeyay sanadkan 2020-21 ay waqtigooda ku dhacaan.

WAREEGTADA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM