Maamullada oo taageeray in dhaqaalaha laga jaro Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay taageereen dalabkii Wasiirka qorsheynta Xukuumada, Jamaal Maxamed Xasan ee ahaa in la joojiyo taageerada dhaqaale ee la siiyo Somaliland.

Deeq-bixiyaasha ayaa waxaa u ogolaanayey inay si gaar ah ula macaamili karaan Somaliland, ayna siin karaa gargaar heshiis lagu saxiixay heshiiskii "New Deal Compact" ee lagu saxiixay Brussels sanadkii 2013-kii, kaasoo la sheegay inuu dhacay 2016-kii.

Cusbooneysiinta qoondada deeqda dhaqaale ee Somaliland, ayaa waxaa diiday dowladda Soomaaliya, kadib markii uu Wasiir Jamaal qoraal uu u diray 19-kii bishan Deeq-bixiyaasha kaga codsaday arintan ah in la joojiyo taageerada dhaqaale ee maamulka Muuse Biixi.

Sikastaba, Gollaha Iskaashiga maamulada dalka, ayaa si cad u qeexay inay garab taagan yihiin go'aanka dowladda Federaalka, iyagoo Beesha Caaalmka uga digay inay u sad-buriyaan maamulka Hargeysa.

Waxay ku doodeen Gollaha in dowladda heshiiska Beesha Caalamka u ogolaanaya inay si gaar ah ula macaamilaan Somaliland uu yahay mid mugdi badan ku jira, oo kala qeybinayo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxay u sheegeen Beesha Caalamka inay muhiim tahay inay si wadajir ah u caawiyaan dowlad goboleedyada dalka, islamarkaana ay deeqaha usoo mariyaan Dowladda Soomaaliya, oo ah mid uga mas'uulka ah arrimaha dibadda.

Jawaabta deeq-bixiyaasha caalamka ka bixiyeen dalabka dowladda Soomaaliya oo uu horey u baahiyay Warsidaha Garowe Online ayaa xukuumadda Muqdisho kala kulantay waji gabax, markii laga diiday. [Halkan ka akhri warka].

Lama in go'aanka dowlad goboleedyada uu wax ka bedeli karo mowqifka Deeqbixiyaasha ee ah inay sii wadaan qeybta Somaliland ku lahayd deeqaha dhaqaale ee ay ugu tala-galeen Soomaaliya.

HALKAN HOOS KA AKHRI BAYAANKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo Meel-mariyey Wax-ka-beddelka Dastuurka xilli ay jirto Diidamo xooggan

Diidmadan ka timid Gollaa Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kusoo aadaysa xilli ay socdaan baaqyo ku aaddan in la ilaaliyo midnimada.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 01:57PM

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM