Masar oo Soomaaliya iyo Eritrea ku cadaadinaysa inaysan siin Itoobiya dekad iyo marin-badeed

Image

ASMARA - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa gudbiyay fariin ka timaadda Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi, una diray Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, intii uu ku sugnaa Asmara, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar Sabtida.

Booqashadan ayaa imaanaysa xilli Masar ay sii ballaarinayso saameynteeda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, iyadoo Eritrea loo arko inay tahay saaxiib muhiim ah oo qayb ka ah istaraatijiyadda gobolka ee Cairo. Wada-hadalladii dhexmaray Abdelatty iyo Afwerki ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhaqaale, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyo xoojinta nidaamka amniga Masar ee Badda Cas iyo gobollada ku xeeran.

Safarka Abdelatty sidoo kale wuxuu ujeedkiisu ahaa inuu xoojiyo xiriirka saddex geesoodka ah ee u dhexeeya Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya. Qaab-dhismeedkan ayaa markii ugu horeysay la aasaasay markii Al-Sisi booqday Asmara Oktoobar 2024, waxaana loogu talagalay in lagu fududeeyo iskaashi dheeraad ah oo ku saabsan siyaasadaha amniga iyo dhaqaalaha. Qodob muhiim ah oo laga wada hadlay ayaa ahaa sidii Soomaaliya loogu taageeri lahaa dadaallada lagu xoojinayo dowladnimadeeda iyo ka hortagga halista kooxaha argagixisada.

Amniga Badda Cas ayaa weli ahaa arrin muhiim ah, iyadoo Masar iyo Eritrea ay mar kale caddeeyeen inaysan oggolaan doonin in waddamo aan xeebaha lahayn ay farageliyaan maamulka amniga badda,iyadoo hadalkana uu yahay mid ku socda Itoobiya, oo aan bad lahayn. Labada hogaamiye ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo kormeerka gobolka ee mid ka mid ah badda ugu istiraatijiyadda badan adduunka.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay kadib kulan ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Eritrea, iyo Soomaaliya 11-kii Janaayo 2025 ee magaalada Qaahira, halkaas oo ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga amni ee gobolka. Iyadoo diyaarinta wadahadalada xiga ay bilaabanayaan, Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea waxay si wadajir ah uga shaqeynayaan horumarinta nabadgelyada iyo xasiloonida Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo dilay in Ka badan 40 Xubnood oo ka Tirsan Al-Shabaab

Dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale si joogto ah weeraro uga fulisa meelo ka mid ah Soomaaliya, si ay u baabi'iyaan goobaha Al-Shabaab ay ku leeyihiin.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 11:03AM

Itoobiya oo Horumar Ka Sameeyay Wadahadallada Helitaanka Dekedda

Tani waa horumar weyn oo lagu gaarayo xal waara oo ku saabsan rabitaanka Itoobiya ee helitaanka dekedda.

  • Soomaliya

    03-03-2025

  • 07:21AM