Muudey oo ku dhawaaqay Waqtiga Cod loo qaadayo Mooshinka Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqay in Mooshinka Jawaari cod loo qaadi doono Maalinta berri ah [Isniin, April 9, 2018].

Muudey ayaa qoraallo Talaafoonadooda gacanta ugu diray Xildhibaanada, isagoo ku wargeliyay inuu jiro fadhiga, kaasi oo ajandihiisu yahay ka doodista Mooshinka kalsooni kala noqoshada ay Xildhibaanada ka keeneen Jawaari.

Waxa uu ku waregliyay dhamaan Xildhibaanada inay soo xaadiraan Kulanka oo furmi doono Subixii hore, saacadu markay tahay 9:00 am [waqtiga Geeska Africa].

Go'aanka Muudey ayaa kusoo beegmaya, xillii maalintii shalay uu Jawaari magacaabay Guddi wada-xaajood la sameeya dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo xalay kulan la qaatey Madaxweyne Farmaajo. Halkan ka akhri Warbixinta.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay socday isku-dayo lagu qancinayo Jawaari inuu is-casilo ama uu ogolaado in la guda galo ka doodista Mooshinka, iyadoo Xildhibaanada qaar ee la safan Gudoomiye soo jeediyeen in Kulan loo wareejiyo meel kale.

Kulanka codka loogu qaadayo Mooshinka Jawaari ayaa baaqday labo jeer, mar uu Farmaajo hakiyay 31-kii Maarso, iyo kii ugu dambeeyay ee Arbacadii, 4-tii bishan, kaasi oo fowdo dhacday u baaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM