Muudey oo ku dhawaaqay Waqtiga Cod loo qaadayo Mooshinka Jawaari

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku dhawaaqay in Mooshinka Jawaari cod loo qaadi doono Maalinta berri ah [Isniin, April 9, 2018].

Muudey ayaa qoraallo Talaafoonadooda gacanta ugu diray Xildhibaanada, isagoo ku wargeliyay inuu jiro fadhiga, kaasi oo ajandihiisu yahay ka doodista Mooshinka kalsooni kala noqoshada ay Xildhibaanada ka keeneen Jawaari.

Waxa uu ku waregliyay dhamaan Xildhibaanada inay soo xaadiraan Kulanka oo furmi doono Subixii hore, saacadu markay tahay 9:00 am [waqtiga Geeska Africa].

Go'aanka Muudey ayaa kusoo beegmaya, xillii maalintii shalay uu Jawaari magacaabay Guddi wada-xaajood la sameeya dhinaca kasoo horjeeda, kaasi oo xalay kulan la qaatey Madaxweyne Farmaajo. Halkan ka akhri Warbixinta.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay socday isku-dayo lagu qancinayo Jawaari inuu is-casilo ama uu ogolaado in la guda galo ka doodista Mooshinka, iyadoo Xildhibaanada qaar ee la safan Gudoomiye soo jeediyeen in Kulan loo wareejiyo meel kale.

Kulanka codka loogu qaadayo Mooshinka Jawaari ayaa baaqday labo jeer, mar uu Farmaajo hakiyay 31-kii Maarso, iyo kii ugu dambeeyay ee Arbacadii, 4-tii bishan, kaasi oo fowdo dhacday u baaqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM