Shirkii Muqdisho oo dib u dhacay [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxa uu dib u dhac ku yimid Shirkii uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee la filayay inuu maanta oo sabti ah ka furmo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdi Faarax Saciid Juxa, ayaa ku dhawaaqay inuu Shirka uu dib u dhacay maalinta berri ah, sababo uusan sheegin. Halkan ka akhri Warbixin.

Hadalkan wuxuu wasiirka ka sheegay munaasabadii soo-dhaweyntii Madaxweyne Xaaf, oo saaka kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa la qorsheeyay markii hore 28-ka bishan, balse dib u dhacay, xilli ay madaxda maamul goboleedyada qaar wali soo gaarin Muqdisho, islamarkaana ay maqan yihiin mas'uuliyiin iyo diblomaasiyiin kale oo lagu casuumay.

Kulanka oo isagu yeeray Madaxweynaha, ayaa waxaa ajandiyaashiisa kamid ah khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, amniga, dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo arrimo kale oo oo quseeya xaaladda dalka.

Fahfaahin kala soco wararkeena dambe haddii ALLE idmo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM