Soomaaliya: Garabka Jawaari oo sheegey in mooshinkii laga keeney uu Burburey [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Kadib markii Guddi Aqalka Sare u saarey khilaafka hareeyey hay’adaha dowlada Fedraalka dhexdeedooda ayaa waxaa galinkii dambe ee Caawa soo saarey Warsaxafadeed Xildhibaanada tageersan Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka kuwasoo sheegey in Mooshinkii laga keeney Jawaari Jabey markale.

Kulankaan oo ay sheegeen iney isugu yimaadeen 120 Xildhibaan Villa Hargeysa  ayey waxay ku xuseen qodobo Dastuuri ah oo burinaya in Mooshinkii laga keeney Gudoomiyaha meesha uu ka baxay kadib markii maalintii shaley 28/03/2019 uu qabsoomi waayey kalfadhigigii looga doodi lahaa xil ka qaadis lagu sameeyo Jawaari.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in Mooshinku soo gaarey aqalka 14 March balse burey kadib markii tiradii Dastuurku sheegayey gaari waayey oo aheyd Sadex meelood meel 1/3. Xildhibanadaan ayaa sidoo kale xusey in kadib markii codsi uga yimid Guddiga Aqalka sare Gudoomiyaha Jawaari aqabley in mooshinkii burey looga doodo golaha 18 March,2018 taasoo waqtigeedii ku ekaa 28/03/2018.

Khilaafka u dhexeeya Xildhibanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Fedraalka Soomaaliya ayaa curyaamiyey dhamaan shaqooyinkii dowlada ee ka socdey magaalada Muqdisho.

Hoos Ka akhri Warsaxafadeedkaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM