Soomaaliya: Garabka Jawaari oo sheegey in mooshinkii laga keeney uu Burburey [AKHRI]

Image

MUQDISHO- Kadib markii Guddi Aqalka Sare u saarey khilaafka hareeyey hay’adaha dowlada Fedraalka dhexdeedooda ayaa waxaa galinkii dambe ee Caawa soo saarey Warsaxafadeed Xildhibaanada tageersan Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka kuwasoo sheegey in Mooshinkii laga keeney Jawaari Jabey markale.

Kulankaan oo ay sheegeen iney isugu yimaadeen 120 Xildhibaan Villa Hargeysa  ayey waxay ku xuseen qodobo Dastuuri ah oo burinaya in Mooshinkii laga keeney Gudoomiyaha meesha uu ka baxay kadib markii maalintii shaley 28/03/2019 uu qabsoomi waayey kalfadhigigii looga doodi lahaa xil ka qaadis lagu sameeyo Jawaari.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in Mooshinku soo gaarey aqalka 14 March balse burey kadib markii tiradii Dastuurku sheegayey gaari waayey oo aheyd Sadex meelood meel 1/3. Xildhibanadaan ayaa sidoo kale xusey in kadib markii codsi uga yimid Guddiga Aqalka sare Gudoomiyaha Jawaari aqabley in mooshinkii burey looga doodo golaha 18 March,2018 taasoo waqtigeedii ku ekaa 28/03/2018.

Khilaafka u dhexeeya Xildhibanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Fedraalka Soomaaliya ayaa curyaamiyey dhamaan shaqooyinkii dowlada ee ka socdey magaalada Muqdisho.

Hoos Ka akhri Warsaxafadeedkaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM