Soomaaliya: Madaxweyne Waare oo la caleema-saarayo

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Waxaa maanta lagu caleema-saarayaa magaalada Jowhar Madaxweynaha cusub, ee maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo la doortay 16-kii September ee lasoo dhaafay.

Xafladda caleema-saarka waxaa ka qeybgalaya madaxweyniyaasha maamul goboleedyada, Wafdi ka socdo Labada Golle, ee dowladda Federaalka, oo uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Madaxweyniyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo ku midoobay "Gollaha Iskaashiga" oo Kismaayo lagu unkay bishan horaanteeda, ayaa ka qeybgalaya Xafladda.

Qaar kamid ah diblomaasiyiinta beesha caalamka u fadhida Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu casuumay munaasabadda caleema-saarka Madaxweyne Waare.

Amniga Jowhar ayaa la adkeeyay, iyadoo wadooyinka lagu daadiyay ciidamada dowladda Federaalka, iyo kuwa AMISOM, waxaana la hakiyay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha goobaha ku dhaw Madaxtooyada.

Waare oo ah Madaxweynihii labaad ee uu yeesha maamulka HirShabeelle tan iyo aas-aaskiisa sanadkii tagey dhamaadkiisa, ayaa waxaa laga sugayaa inuu mudo bil ah kusoo magacaabo Gollahiisa wasiiradda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM