Xasan Sheekh oo Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Itoobiya

Image
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay safiirada Jaamacadda Carabta garab istaagga ay u muujiyeen Soomaaliya.

Addis Ababa (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoyga uu ka degen-yahay magaalada Addis Ababa ku qaabilay Safiirada dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Itoobiya, waxayna ka wada hadleen arrimaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamka intiisa kale.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu scday kulanka bogaadiyay safiirada dalalka Jaamacadda Carabta ee Itooobiya garab istaagga dhabta ah ay u muujiyeen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa Madaxweynaha kala qayb galay qaar ka mid ah xubnaha wafdigiisa, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya iyo safiirada Jaamacadda Carabta ee Itoobiya.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa markii kulanka uu soo idlaaday waxa uu Warbaahinta uga waramay waxyaalihii looga arrinsaday kulankan, isagoona sheegay in uu muhiimad gaar ah u lahaa dalka.

Soomaaliya ayaa ku guulaysatay inay noqoto dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharaxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee muddo xileedka 2025-2026.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ankara oo ka furmay Wadahadallo ku saabsan marin-badeedka Itoobiya ka doonayso Soomaaliya

Natiijada wadahadalladan ayaa saameyn ku yeelan karta xariirka goboleedka iyo awoodaha siyaasadeed ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    17-02-2025

  • 02:32PM

Muxuu u furmi la'yahay Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaaliya?

Dib u dhigida furitaanka kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka, ayaa kusoo aadaya xili dalka xiisad siyaasadeed ay ka jirto.

  • Soomaliya

    16-02-2025

  • 02:58PM