Xasan Sheekh Oo Ka Jawaabay xayiraadda Fiisaha : "Yurub Waxay Soo Celinaysaa Dad Aan Soomaali Ahayn"
MUQDISHO — Midowga Yurub ayaa cunaqabatayn dhanka dalbayaasha fiisaha ah ku soo rogay muwaadiniinta Soomaaliyeed, ka dib markii uu sii xoogaystay khilaafka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-celinta dadka Soomaalida ah ee sida sharcidarada ah uga nool qaaradda Yurub.
Dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Midowga Yurub ayaa ansixiyay tallaabooyinkan khamiistii, iyaga oo ka duulaya warbixin sheegaysa in Soomaaliya aysan samayn dadaal ku filan oo ay dib ugu soo dhawaynayso muwaadiniinteeda loo diiday sharciga joogitaanka Yurub.
Madaxweynaha Soomaaliya, ee mudo-xileedkiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aankaas, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay dib-u-qaabishada muwaadiniinteeda rasmiga ah, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in qaar badan oo ka mid ah dadka la soo celiyo aysan u dhalan dalka Soomaaliya.
"Annagu ma diidin dadkayaga, dalkaan iyagaa leh, mana diidi karno," ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabadda xuska maalmaha xorriyadda ee Khamiistii. Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay su'aalo ka qabto habka dadkaas loo soo celinayo, isagoo xusay in dadka ku nool Geeska Afrika ay isku muuqaal yihiin, qaar badanna ay isku dhiibaan magaca Soomaaliya si ay magangalyo u helaan, iyadoo dhowr jeer oo hore ay soo baxday inay soo celiyeen dad aan xitaa aqoon u lahayn af-Soomaaliga.
Xannibaadaha cusub ee Midowga Yurub soo rogay ayaa dhigaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed aan loo oggolaan doonin fiisooyinka dhowrka jeer dalka lagu galo (multiple-entry visas), sidoo kale waxaa meesha laga saaray lacag-dhaafintii fiisaha ee dadka wata baasaboorka diblomaasiga, iyadoo muddada caadiga ah ee lagu farsameeyo codsiyada fiisahana laga dhigay 45 maalmood halka ay markii hore ka ahayd 15 maalmood.
GAROWE ONLINE