Shacabka Somaliland oo u dareeray goobaha codbixinta [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

HARGEYSA, Somaliland - Shacabka Somaliland ayaa saaka oo Isniinta ah, Nov 13 u dareeray goobaha codbixinta doorashada madaxtinimo oo la furay 6:00 a.m., taasi oo ay ku tartamayaan saddexda xisbii siysaadeed ee maamulkaasi.

Dad gaaraya 700,000 oo qof ayaa iskuu diiwaangeliyay inay ka qeyb-qaataan codbixinta doorashada, iyagoo ka codeynaya 1,642 goobood oo ku kala yaalla lixda gobolka ee Somaliland ka kooban tahay.

Dad weynaha ayaa safaf dhaadheer ugu jira inay codeeyaan, waxaana aad loo adkeeyay amniga, oo laga baqayo inay dhacdo qalalaase inta lagu guda jiro conbixinta. Halkan ka akhri.

Musharaxiinta kala ah Muuse Biixi Cabdi, oo ka socda Kulmiye, Feysal Cali Waraabe oo u tartamaya UCID iyo Cabdiraxmaan Cirro oo isna calanka u sida Waddani ayaa u tartamaya xilka Madaxweynaha Somaliland.

Waa Doorashadii 5-aad oo ka dhacda Somaliland tan iyo markii maamulkaasi uu ku dhaawaaqay gooni-isaguu taagiisa aan cidna aqoonsan sanadkii 1991-dii.

Garowe Online, kala soco wararka ku saabsan Doorashada Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM