Abiy Ahmed oo shaaciyey goorta uu hakan doono howlgalka Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo xusay in howlgalka gobolka Tigray uu ku socdo "sidii loo qorsheeyay" ayaa Talaadada maanta ah aduunka la wadaagay goorta uu soo gabagaboobayo.

"Howlgalada wuxuu hakan doonaa isla marka dambiileyaasha hogaanka jabhada hubka laga dhigo, maamul sharci ahna lagu soo celiyo gobolka, kuwa baxsanaya lasoo qabto oo cadaalada la horkeeno – dhamaan arrimahaan waxay ku dhici doonaa waqti la gaari karo," ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter.

Dhawaqaan ayaa yimid markii Midowga Afrika uu walaac ka muujiyey colaada ka oogan waqoyga dalka labaad ee ugu dadka badan qaarada isla markaana uu ku baaqay xabad-joojin deg-deg ah iyo wadahadal wax ku ool ah.

Muusa Faki Maxamed, gudoomiyaha guddiga AU-da, ayaa darafyadda dagaalamaya ku waaniyey in ay ilaaliyaan xuquuqda bini'aadamka.

Qaylodhaanta ururkan ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo isku-dhacyo horleh iyo barakac laga soo wariyey gobolka xuduudka la leh Eritrea iyo Suudaan.

Taliska ciidamadda difaaca Itoobiya ayaa maanta sheegay in uu xoogaga TPLF kala wareegay garoonka diyaaradaha Humera ayna isku soo dhiibeen cutubyo kamid ciidanka gaarka ismaamulka, booliska iyo maleeyshiyaadka degaanka.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa horey u warisay in ay howlgalka ku qabsatay magaalooynka istaraatiijiga ah ee Maidali, Dansha, Baker iyo Ligudi.

Sheegashada taliska ayaa kusoo beegantay xilli isla maanta uu hogaamiyaha gobolka Tigray, Debretsion Gebremichael, uu sheegay in dagaalka ay kusoo biirtay dowladda Eritrea isla markaana ay ciidamo u soo dirtay xuduudka.

"Tan iyo shalay, ciidamadda [hogaamiyaha Eritrea] Isaias [Afwerki] way soo talaabeen iyagoo kusoo duulay xuduudka," ayuu ka yiri telefishinka ku hadla afka gobolka Tigray. "Waxay hub culus nooga soo weerarayaan Humera".

Balse dowladda Eritrea ayaa durba waxay gaashaanka ku dhufatay eedeyntaas, iyagoo ku adkeystay in ciidamadeeda ay soo qaadin wax duulaan ah.

"Colaada waa mid maxali ah. Qeyb kama nihin colaada," sidaas waxaa yiri Cusmaan Saalax Maxamed, oo ah wasiirka arrimaha dibadda Eritrea kaasoo khadka telefoonka ugu waramay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wallow aan la xaqiijin karin tirada saxda ah sababo ku aadan isgaarsiinta oo jaran awadeed, howlgalkan bilowday todobaadkii hore waxaa la sheegay in uu galaaftay nolosha boqolaal ruux oo u badan askar labadda dhinac ah.

Darafyadda dagaalamaya ayaa u muuqda kuwa si dhab ah isaga indhatiraya baaqyadda caalamiga ah ee ku aadan in ay joojiyaan xabada isla markaana is-mari-waagooda ay kusoo afjaraan miiska wadahadalka dushiisa.

Dagaalkan oo laga cabsi qabo in uu xasilooni darro u horseedo gobolka Geeska Afrika ayaa sidoo kale wuxuu dhabaha u xaari doonaa burbur dhaqaale iyo barakac taasoo wadamadda deriska ah Itoobiya ay saameyn doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM