Abiy Axmed oo baahiyey khariirad liddi ku ah midnimadda Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Axada maanta ah barahiisa bulshadda ku baahiyey khariirad liddi ku ah midnimadda iyo wadajirka waddanka Soomaaliya.

Khariiradda oo tan dalalka Geeska qaaradda Afrika ah waxay Soomaaliya ka jareysaa maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Iyaddoo aaysan wali caddeyn ujeeda, qeybta la jaray ee Somaliland oo loo adeegsaday midab cadaan ah waxay khariiradda ku dareysaa badda.

Inkastoo uusan cudurdaar ka bixin, daqiiqado kadib, khariiradda ayaa laga saarey bogaga, waxaana lagu bedelay mid kale oo midabka cagaarka ah loo adeegsaday guud ahaan gobolka.

Sawirka waxaa la socday fariin ku qorneyd saddex luuqadood, taasoo ahayd: "Xoriyadda Dadkeenna - Barwaaqadda qarankeena!"

Bartamihii sanadkii hore ayay ahayd markii Itoobiya ay khariirada Afrika ka saartay Soomaaliya, wallow raaligelin ka bixisay. Talaabadaas waxay dhalisay carro xoogan.

Dhowaan sarkaal Itoobiyaan ah ayaa gobolka Gedo ee hoostaga Jubaland ka sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya "ay isku yihiin hal waddan".

Falcelinta

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa baraha bulshadda kaga falceliyey talaabadda Abiy.

"Madaxweyne Farmaajo hala weydiiyo waxa uu ka ogyahay QARIIRADA Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed maanta bartiisa twitter-ka ku baahiyey ee muujineysa Soomaaliya oo laga jaray gobollada Waqooyi ee Somaliland?" ayuu kusoo qoray boggiisa Facebook-ga.

Xukuumadda Abiy ayaa kamid ah dowladaha caalamka ee xiriirka dhow la leh maamulka Farmaajo tan iyo markii la doortay Febraayo, 2017.

Mashruuca is-dhexgalka Geeska qaaradda Afrika ayay si weyn kaga shaqeynayaan, waxaa wehlisa Eritrea oo ah waddan soo kabanaya.

Talaabada cusub ee Abiy ayaa timid iyadoo lagu eedeeyay in uu madaxda Somaliland u juujuubayo si ay Hargeysa ugu soo dhaweeyaan isaga iyo Farmaajo, talaabadaas oo mucaaraadka cambaareeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM