Abiy Axmed oo Beesha Caalamka u diray baaq ka dhan ah xoogaga TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa cod dheer wuxuu kaga codsaday Beesha Caalamka "inay si adag u cambaareeyaan xasuuqa kooxda TPLF u gaysatay shacabka aan waxba galabsan ee Mykadra".

Bayaan uu soo saaray SHALAY, xafiiska wuxuu sidoo kale ku booriyay bulshada caalamka inay ku taageeraan dowlada federaalka dadaalada ay wado si cadaalada loo horkeeno kuwa ka dambeeyay dambiyada noocan oo kale ah".

"Xasuuqii foosha xumaa ee lagu canaananayay shacabka aan waxba galabsan ee Mykadra ay u gaysatay kooxda TPLF wuxuu si cad u yahay xadgudub weyn oo lagu sameeyay qawaaniinta aasaasiga ah ee sharciga caalamiga," ayay tiri.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Weerarka noocan oo kale ah ee foosha xun ee lagula kacayo dadka rayidka ah waa xadgudub aad u foolxun oo bulshada caalamku u baahan tahay in aysan fiiro gaar ah u yeelan oo keliya, laakiin ay sidoo kale ku cambaareyso ereyada ugu adag ee suurtogalka ah".

War-saxaafadeedka ayaa lagu tibaaxay "markii shaley si rasmi ah uu u qirey xubin sare oo ka tirsan kooxda TPLF oo afhayeen u ah in ay weerareen Taliska Woqooyi ee ciidanka difaaca qaranka, go'aankeena ah in aan soo qabanno dambiilayaasha ka tirsan kooxda TPLF ayaa kasii xoogeysan doona sidii hore."

Xafiiska ayaa xusay in howlgalka la bilaabay "si cadaalada loo horkeeno shaqsi ama koox kasta oo isku dayda inay qalqal geliso xasiloonida Itoobiya waxaa lagu qaadi doonaa mabda 'ah waxyeelo xadidan oo loo geysto dadka shacabka".

Baaqa uu Abiy Axmed u diray diblumaasiyiinta ayaa kusoo hagaagaya xilli todobaadkii labaad uu galayo dagaalka ka oogan gobolka waqoyga dhaca ee Tigray halkaasoo la sheegay in boqolaal askar badan lagu laayey.

Qaramada Midoobay oo ka cabsi qabta in ay dhacaan dambiyo dagaal maadaama ay tuhunsan tahay in ay jiraan rayid la dilay ayaa tibaaxdey in todobaadkii koowaad ee colaada jirtay ay Suudaan u qaxeen in ka badan 20-kun.

Dhinacyadda dagaalamaya oo wali ka fog miiska wadahadalka ayaa hawada isku marinaya hadalo kulul, waxaana arrintaas walaac ku abuurtay dadka.

Colaadan salkeedu yahay mid qowmiyadeed iyo is-qabqabsi siyaasadeed si lamid ah mid awoodeed ayaa Itoobiya lugaha u geli karta dagaal sokeeye arrintaasoo saameyn xoogan ku yeelaneysa dalalka deriska la ah si gaara Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM