Kenya oo bilowday olole cusub oo ka dhan ah dacwadda badda

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Kenya ayaa waydiisatay ra'iisul wasaaraha Itoobiya in uu ku qanciyo madaxweynaha Soomaaliya in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan ICJ, sida ay wararku sheegayaan.

Qorshahaas waxaa Abiy Axmed hordhigay Fred Matiang'i, wasiirka arrimaha gudaha Itoobiya, oo shalay ay kulmeen.

Matiang'i oo wakiil ka ahaa Uhuru Kenyatta ayaa Abiy kala xaajoodey xalinta xiisadda xuduudka ee Muqdisho iyo Nairobi.

Illo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in wadaxaajoodka lagu soo qaadey dacwadda badda ee dhageysigeedu ay Maxkamada Cadaalada Aduunka dib u bilaabeyso bisha June ee sanadkan 2020.

"Waxaan kaloo isla soo qaadney muranka badda. Uhuru wuxuu doonayaa in Abiy uu ku qanciyo Soomaaliya in ay kiiska kasoo celiso Maxkamada," ayuu telefoonka ugu sheegay GO qof ku dhow Matiang'i.

Kenya ayaa dhowr jeer isku deyday in kiiska lagu dhameeyo miiska dushiisa iyaddoo adeegsaneysa Midowga Afrika, balse talaabooyinkaas waxaa kasoo horjeestay dowlada federaalka Soomaaliya.

Sanadkii hore 2019, wadahadalo ay Farmaajo iyo Uhuru ka yeesheen qadiyadda badda ayaanan miradhalin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay in uu "ku qanacsan yahay in ICJ ay kiiska ku xukmin doonto si cadaalad ah".

Xili horey dhowr jeer dib loo dhigay dalabyo ka yimid Kenya, dhageysiga bisha June ayaa la tilmaaamay in uu yahay midka ugu dambeeya isla markaana kadib uu soo bixi doono xukunka kama dambeysta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM