Abiy Axmed oo shaaciyey hadafka wejiga labaad ee howlgalka Tigreeyga

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shaaciyey in wejiga koowaad ee howlgalka uu kaga dhawaaqay gobolka Tigreeyga uu kusoo dhamaaday qaab guulo ah isagoo xusay in uu sii soconayo.

Ciidamadda cirka ayuu tibaaxay in ay degaankaas ka fuliyeen duqeymo ay ku burburiyeen saldhigyo ciidan iyo keyd hub oo madaafiicd ay ku jiraan.

War-saxaafadeed uu telefishinka dowladda ka akhriyey ayuu ku nuux-nuux saday in wejiga labaad ee howlgalka uu qorshihiisu yahay in lasoo badbaadiyo ciidamadda ku sugan aagaas waqooyi ee dagaaladda ku qabsadeen.

Ciidamadda booliska ayuu intaas ku daray in waajibaadkoodu noqon doono in ay badbaadiyaan hubka iyo hantida Qaran ee taala ismaamulka Tigreeyga.

Xoogaga Tigreeyga ayuu ka dhawaajiyey in ay ka saareen fariisimo ay ku lahaayeen degaanadda kala ah Badme Front, Tsore iyo Zalambassa.

"Ciidamadena waxay sii wadi doonan in ay dalka ka difaacaan halista illaa cadaalada ay ka shaqeyso. Cadowga wuu sii wiiqmayaa. Qowleysatada iyo saaxiibadooda ku sugan Tigreeyga ee ku raaxeysanayey nidaamkii musuqmaasuq waxay wajihi doonan cadaaladda," ayuu carabka ku adkeeyay.

Balse ma uusan carabaabin khasaaraha guud ee ka dhashay gulufka si gaar ah waxyeeladda ciidamadda. Warar soo baxayo waxay tibaaxayaan in labada dhinac ay wadar ahaan ka geeriyootay in ka badan 100 xoogag hubeysan.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa uu iclaamiyey howlgalka gobolka Tigreeyga ka gedaal markii xiisada siyaasadeed ee ka dhaxeysa ay gaartay meel aan xal loo helin karin.

Isku-dhacaan ayaa ah cawaaqibka is-qabqabsi xuduntiisu ahayd is-mari-waa siyaasadeed iyo sheegashooyin Tigreeygu ka yimid oo ahaa in lagu hayo isir beegsi, wallow maamulka Abiy Axmed uu iska fogeeyay sheegashooyinkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM