Abiy Axmed oo xil sarre u magacaabay gabar Soomaali ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu isku shaandheyn uu ku sameeyay Golahiisa Wasiiradda, sidda uu ku dhawaaqay xafiiskiisa.

Isbedelkaan kusoo beegmay xaalad kala-guur-ah waxaa kusoo baxday isla markaana xil muhiim ah ku heshay gabar Soomaali-Itoobiyaan ah.

Filsan Cabdullaahi Axmed, oo 28-sano jir ah, ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Haweenka, Dhalinyaradda iyo Caruurta.

Tani ayaa ka dhigan in Filsan ay noqoneyso haweenaydii ugu horeysay oo Soomaali ah ee kamid noqota Laanta Fulinta waddankaas.

Marka loo eego da’deeda, Filsan ayaa sidoo kale waxay noqoneysaa qofkii ugu da'da yaraa ee kamid noqda golaha xukuumadda Itoobiya.

Baarlamaanka Itoobiya oo fadhi yeeshay ayaa cod wadar ogol ah ku meelmariyey magacaabida Filsan, taasoo loo dhaariyey jagadaas.

Iyaddoo bedeleysa Yalem Tsegaye, wasiir Filsan ayaa ah aas-aasaha Nabad Tv, telefishinkii ugu horeeyay oo madax banaan oo degaanada Soomaalida Itoobiya laga hirgeliyey.

Isku-shaadheynta ayaa waxay kusoo aadeysaa iyaddoo Itoobiya ay kusoo fool leedahay doorasho xasaasi ah, taasoo tijaabo ah u taageeradda Abiy oo xafiiska ku yimid isbedel ka dhashay banaanbaxyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM