Abiy Axmed: Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo gaaray magaaladda Godey

Image
Illaa haatan, si dhab ah looma ogga ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka wafdigan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa saaka gaaray magaaladda Godey ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar).

Iyadoo aan weli si rasmi ah loo cadeyn ujeedada socdaalka Abiy Axmed, ayaa waxay ku soo aadeysaa, iyadoo muddooyinkii dambe dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka wadeen Gobolkaasi Dowladda Itoobiya. 

Wararka ayaa sheegaya in dib loo dayactiray saldhigyadii ciidamada cirka, waxaana goobta la geeyay gurmadyo ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Museveni oo hoggaanka u haya doorashada Uganda, mucaaradka oo cabanaya 

Suxufiyiin maxalli ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ka hor istaageen inay gaaraan guriga Bobi Wine ee xaafadda Magere ee Kampala.

  • Afrika

    17-01-2026

  • 12:35PM

Doorashada Uganda: Madaxweyne Museveni oo Raadinaya Markiisii 7-aad

Doorashada ayaa ku bilaabatay jawi kacsan, waxaana la soo sheegayaa in meelaha qaar laga jaray adeeggii internet-ka.

  • Afrika

    15-01-2026

  • 11:56AM