Abiy oo u digay Beesha Caalamka xilli colaada Tigray ay sii cuslaatay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowlada Itoobiya ayaa ka digtay faragelin ay dalalka caalamka ku sameeyaan dagaalka gobolka Tigray waxayna xustay inay awood u leedahay inay xalliso khilaafaadkeeda.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray Talaadadii in dalkiisa uusan u baahnayn wax caawimaad ah isagoo ku booriyey Beesha Caalamka "in ay ka waantowdo faragelinta".

"In kasta oo aan tixgelinayno walaaca iyo talo-siinta saaxiibbadeen, waan diidnay in la fara-geliyo arrimaheenna gudaha," ayuu yiri Abiy. "Sidaas darteed waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa bulshada caalamka inay ka waantoobaan wax kasta oo faragelin ah oo aan la soo dhoweynaynin iyo sharci-darro ah isla markaana waa in la ixtiraamo mabaadi'da aasaasiga ah ee faragelin la'aanta sharciga caalamiga ah".

Hadalkan ayaa daba socda dalabyadda caalamiga ah ee ku aadan in dhinacyada iska hor imaadka u dhaxeeyaan ku booriyey inay oggolaadaan kaalmo bani'aadamnimo oo la gaarsiiyo dadka u baahan.

Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa Talaadadii u sheegay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen in dalkiisu aqbalo faragalinta Midowga Afrika una ogolaado in gargaarka la soo gaarsiiyo degaanada colaaduhu ka jiraan.

"Farriinta Midowga Yurub waa mid cad: waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dejiyaan shuruudo sahlaya in si dhib la’aan ah loo gaarsiiyo dadka u baahan, joojinta dagaalada, faragelinta koox kasta oo dibadda ah, iyo xorriyadda saxaafadda," ayuu yiri Borrell.

Shirkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayey arrimaha Itoobiya ayaa qabsoomi waayey Talaadadii kadib markii ay soo baxeen diblomaasiyiin codsaday in la siiyo waqti dheeri ah si loogu oggolaado Midowga Afrika in uu arrintan uga jawaabo.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa tan iyo markii ay colaadda qaraxdey waxay diidan tahay faragalinta Midowga Afrika balse waxay saraakiil sare u dirtay urur goboleedka IGAD iyo EU-da ama Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM