Al-Shabaab oo qalaafatay wiil la dhashay mas'uul dowladeed

Image

NAIROBI, Kenya – Dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab ayaa Waqooyi-Barri ee dalka Kenya ku qafaashay wiil la dhashay mas'uul dowladeed, sidda uu shaaca ka qaadey Taliska Booliska.

Daa'uud Bashiir Guure ayaa la tilmaamay in lagala baxay hoygooda oo ku yaala Garissa, gaar ahaan nawaaxiga xadka ay wadaagaan dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixinta booliska ayaa intaas ku dartay in dableyda afduubatay Guure ay tiradoodey gaareysay 20 qof.

Falkaan ayaa wuxuu dhacay Jimcadii lasoo dhaafay, sidda ay warbaahinta kasoo xigtay dadka degaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Guure lala soo aadey dhanka Soomaaliya, wallow aan la ogayn halka lagu hayo.

Saxaafadda Kenya ayaa baahisay in Guure ay Al-Shabaab kaga shakisay in uu bixiyey xog maleeyshiyaadka ku saabsan.

Inta badan xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa dhacdooyin noocaan ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana ay qaarkood ku qaataan madax-furasho, halka kuwa kale ay dilaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM