Al-Shabaab Oo Weerartay Tuulo Ku Taalla Lamu, Kenya
LAMU - Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 100 dagaalyahano oo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay si qarsoodi ah ugu soo galeen Kenya, iyagoo qabsaday tuulo yar oo ku taalla gudaha kaynta Boni ee gobolka Lamu. Waxaa la sheegay in kooxdaasi ay dadka deegaanka ka wacdeen ideoolojiyadda xag-jirka ah muddo 30 daqiiqo ah, ka dibna ay ka baxeen deegaanka una dhaqaaqeen gudaha kaynta weyn ee Boni.
Weerarku wuxuu dhacay Sabtidii fiidkii saacadda 6 pm, iyadoo dadka deegaanka, kuwaas oo badankoodu yihiin Muslimiin, ay diyaar garoobayeen salaadda iyo afurka. Waxaa arrintaas ka warbixiyay sarkaalka maamulka ee deegaanka, iyadoo Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay sameeyeen howlgalka Amani Boni oo la doonayo in lagu xakameeyo falalka Al-Shabaab ee ka dhaca gobolka.
Warbixinta ayaa sheegtay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay weerareen tuulada Mangai oo ku taalla 80 kiilomitir koonfur-galbeed ka xigta xero amniga ee BPU Mangai. Qeyb ka mid ah kooxda ayaa ka jirtay xero amniga, halka koox kale ay gudaha tuulada raadiyeen madaxda deegaanka iyo ciidamada ilaalinta ee deegaanka. Kadib, kooxda ayaa dadka deegaanka wacdiyey oo u qaybiyey timir, iyagoo ka dib u baxsaday meel aan la garanayn.
Weli ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegay, laakiin xaaladda deegaanka ayaa weli ah mid xasaasi ah. Waxaa la xaqiijiyay in ammaanka meesha lagu adkeeyay kadib weerarkii dhacay.
Wesley Koech, Guddoomiyaha Gobolka Lamu, ayaa xaqiijiyay dhacdada, isagoo sheegay in ammaanka la xoojiyay. Koech ayaa ugu baaqay dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo KDF si looga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab. Isagoo sidoo kale u sheegay dadka in aysan ka welwelin xaaladda, maadaama ay si dhow u dabagalayaan.
“Ma jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dadka deegaanka ee ku sugnaa weerarkii Sabtida fiidkii ee Mangai. Kaliya waxay ku yimaadeen oo dadka deegaanka wacdiyeyn, timirna waa ay siiyeen, kadibna way baxeen. Xaaladda waxaa si dhow loo maareynayaa, waxaanu ku soconaa sidii qorshuhu yahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Lamu.
Inkastoo xaalad xasilooni ah ay ka jirto guud ahaan gobolka Lamu, kooxdan ayaa horey ugu soo qaaday weeraro ba’an, sida weerarkii Mpeketoni ee 2014, oo sababay dhimashada in ka badan 90 qof. Inta u dhaxeysa 2023 iyo 2024, waxaa sidoo kale ka dhacay weeraro dhiig badan ku daatay tuulooyinka Juhudi, Widho, Salama, Mashogoni, Marafa, Pandanguo, Witu iyo deegaanada ku hareeraysan.
Xukuumadda Kenya ayaa si aad ah uga shaqeyneysa ka hortagga falalka amni-darro ee ay sababeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo ka tirsan kooxda Al-Qaacida ee ka dagaallamaya Soomaaliya. Si looga hortago weerarada kooxdan, dowladda Kenya ayaa bishii Sebtember 2015 bilowday howlgalka amni ee Linda Boni, taasoo lagu baarayo kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya gudaha kaynta Boni. Howlgalkaas ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid guul ah.
GAROWE ONLINE