Al-Siisi: Ma ogolaanayno in Itoobiya cagta soo dhigto Badda Cas
QAAHIRA - Masar ayaa meesha ka saartay in dowladaha aan dariska la ahayn Badda Cas ay ku yeeshaan karaan joogitaan ciidan, iyada oo ku adkeysatay taageerada ay u hayso Soomaaliya, oo hadda heshiis la ah Itoobiya, taas oo walaac abuurtay.
Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, ayaa sheegay in Masar aysan oggolaan doonin in waddamada aan bad lahayn ay ciidan geeyaan aagga Badda Cas, isagoo intaas ku daray in tallaabo noocaas ah ay si weyn u saameyn doonto amniga biyaha qotada dheer.
Abdelatty wuxuu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Qaahira, oo uu wadajir ula qabtay dhigiisa Ereteriya Osman Saleh iyo dhigiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi. Masar ayaa dooneysa inay muujiso saamaynteeda iyo awooddeeda ku aaddan Geeska Afrika.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen wasiirrada, waxay ku adkeysteen iskaashigooda diblomaasiyadeed ee socda, waxayna ku heshiiyeen inay yeeshaan shirar joogto ah oo heer wasiirro ah.
"Shirka soo socda wuxuu ka dhici doonaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho," ayuu yiri Abdelatty intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id, isagoo xusay in qabanqaabo loo samaynayo shir saddex geesood ah oo heer madaxweyne ah oo dhawaan la qaban doono.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sidoo kale sheegay in ay isla garteen muhiimadda fulinta natiijooyinka shirkii Asmara, oo bishii Oktoobar ka dhacay caasimadda Ereteriya, kaas oo ay hoggaamiyeyaasha Masar, Ereteriya, iyo Soomaaliya ku yeesheen kulan muhiim ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegay in madax-bannaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya aysan marnaba lagu xad-gudbi karin, isagoo intaas ku daray in Masar ay diyaar u tahay inay difaacdo waddanka saaxiibka ah ee Soomaaliya, oo muddo dheer la daalaa-dhacaysay xasillooni darro.
"Waan xaqiijinaynaa sida aan uga go'nahay xasilloonida, amniga, iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaanan taageereynaa dowladda Soomaaliya inay kor u qaaddo xukunka dowladnimo oo ay gaarsiiso dhammaan deegaannada dalka oo dhan, sidoo kalena ay la dagaallanto argagixisada," ayuu yiri Abdelatty.
GAROWE ONLINE