Aljeeriya oo Faransiiska ka dalbatay in uu qirto dambiyada gumaysiga

Image
Madaxweynaha waddanka Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa hadalkan si rasmi ah ugu dhawaaqay.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha waddanka Al Jeeriya Abdelmadjid Tebboune ayaa Axaddii shalay jeediyay dhaleeceyn xooggan oo ka dhan ahayd Faransiiska oo ku saabsan saamaynta uu gumaysigu ku leeyahay dalkiisa.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli uu khudbad ka hor jeediyay labada gole ee baarlamaanka oo uu shacabka u jeediyay khudbad uu ku soo bandhigay wax qabadkiisii ​​ugu horreeyay ee madaxweynenimo ee 2019-2024.

Tebboune ayaa sidoo kale wuxuu faahfaahiyay ajandaha uu ku doonayo in xilka uu u qabto mar labaad oo soo billowday bishii September, sida uu ku soo warramayo wariyaha Anadolu.

Tebboune wuxuu sheegay in dadka Aljeeriya ay dalbanayaan in Faransiisku qirto dambiyadii uu galay xilligii gumeysiga ee u dhexeeyay 1830-1962, isagoo ku nuux-nuuxsaday in waddanku uusan raadineyn wax magdhow ah.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli xiisad siyaasadeed oo aad u ba’an ay ka dhex aloosantay dalalka Aljeeriya iyo Faransiiska, taasoo keentay in safiirkii Aljeeriya uu ka baxo dalkaas, loona yeero safiirkii Faransiiska.

Mas’uuliyiinta Aljeeriya ayaa arrintan u sababeeyay “falalka cadawtinimo ee ay sirdoonka shisheeye ee Faransiisku ka geysteen dhulka Aljeeriya”.

Tebboune waxa kale oo uu xasuusiyay xasuuqii ay gaysteen ciidamada gumaystaha Faransiiska, gaar ahaan intii uu hogaaminayay General Thomas Robert Bugeaud, gudoomiyihii guud ee Aljeeriya intii u dhaxaysay 1841-1847.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xemedti: Ganacsade Geel oo Noqday Dagaal-Oogaha Maamula kala bar Sudan

Markaas Darfur waxay ahayd gobol sabool ah oo ay dawladda Suudaan ee madaxweynihii hore Cumar Al-Bashiir dayacday.

  • Afrika

    04-11-2025

  • 09:07AM

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu oo Xilka loo dhaariyey kadib Doorasho Lagu Murmay 

Labada musharax ee ugu waaweynaa mucaaradka ayaa ka hor istaagtay tartanka doorashada.

  • Afrika

    03-11-2025

  • 02:46PM