Askari boolis Kenyan ah oo lagu waayey weerar ay fulisay Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Askari Boolis Kenyan ah ayaa la la'yahay mid kale waxaa kasoo gaarey dhaawac kadib markii xero rondo oo ay ku lahaayeen degaanka Faafi ee gobolka Garissa ay Arbacadda maanta ah ku weerareen Al-Shabaab.

Runo Bunie, taliyaha bileyska Waqooyi-Bari, ayaa sheegay in iska-hori-imaadka uu socday ku dhowaad tobban daqiiqo. Maleyshiyada weerarka soo qaadey ayuu xusay in ay tirro badnaayeen ayna ka baxseen goobta wax ka dhaceen.

Sidda laga soo xigtay Runo, askariga maqan ayaa la goobayaa, halka kan kale ee dhaawacahay ay xaaladiisu tahay mid aad u hagaagasan.

Dagaalameyaasha weerarka soo qaadey ayuu tibaaxay in ay ku hubeysanaayeen bam-baanooyin iyo garneeladda garbaha laga gano kana carareen meesha ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidan gurmad ahaan loo diray.

"Wax kasta oo karaankeena ah waanu sameyney balse waxaanu garab uga baahanahay dadweynaha. Weerar noocaan ah ma dhici karo ka warqab la'aantooda," ayuu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saarey taliyuhu.

Xilli uu ka dhawaajiyey in aysan jirin cid u soo xireen weerarka, haddana wuxuu hoosta ka xariiqay in ay howlgalo ka bilaabeen nawaaxiga goobta.

Degaanka Faafi ayaa ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, halkaasoo dhowaan ay Al-Shabaab ku dhaawacdey shan askari markii ay qarax la eegatay.

Kenya oo ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Shabaab kala kulmeysa weeraro tan iyo markii ay ku biirtey howlgalkaa sanadka markii uu ahaa 2011-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM