Boqolaal "lagu dilay" colaadda gobolka Itoobiya ka tirsan ee Tigray

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Wallow sii cuslaaneyso colaada Tigray halkaasoo illo milatari xuseen in boqolaal lagu dilay maalmihii dambe, hogaamiyaha Itoobiya ayaa maanta u sheegay dunida in dalkiisa uusan u jiheysan dhabaha dagaalka sokeeye.

Xiisada gobolka waqoyga dhaca ee xuduudka la leh Eritrea iyo Sudan ayaa xasilooni darro u horseedeysa dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika halkaasoo khilaafka qowmiyadeed boqolaal ugu dhinteen tan iyo markii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed xafiiska la wareegay 2018-kii.

"Ethiopia way u mahadcelineysaa saaxiibada muujiyey walaacooda. Howlgalkeena sareynta sharciga wuxuu daaran yahay xaqiijinta nabadda iyo xasiloonida," ayuu kusoo qoray Twitter-ka Isniinta maanta ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa raaciyey: "Walaacyada laga qabo in Itoobiya ay gasho qalalaase waa kuwo aan sal lahayn iyo natiijada fahamdaro ka dhalatay macnaha guud".

Hogaamiyaha ugu da'da qaarada ee 44-jirka ah, Abiy ayaa sanadkii hore ugu guuleystay Nobel Peace Price in uu sameeyay dib-u-habeyn dimuqraadiyadeed iyo in uu nabad kusoo afjaray colaada Eritrea.

Balse todobaadkii hore Abiy, oo kasoo jeeda qowmiyada ugu baaxda weyn ee Oromada, ayaa qaadey olole ka dhan ah xoogaga daacada u ah Tigrayga kuwaasoo uu ku eedeeyay beegsiga saldhiga ciidanka milatariga ee magaalada Dansha.

Tirada ay dadka Tigrayga ka yihiin Itoobiyaanka waa 5% balse, kahor xukunka Abiy, waxay ku gacansareeyeen siyaasadda tan iyo markii maleyshiyo kasoo jeeda qowmiyadooda ay xukunka ka tureen taliskii Marxist sanadkii 1991-dii.

Diyaaradaha dagaalka dowlada federaalka ayaa, sidda ay saxaafadda warisay, waxay bilaabeen duqeymo ka dhan ah keydka hubka ee Tigrayga.

Mas'uul ku sugan gobolka Amxaarada ayaa u sheegay Reuters in isku-dhacyada ay ciidanka Tigrayga kula galeen Kirakir, magaalo ku dhow xadka labada gobol, ay ku ku dileen ku dhowaad 500 oo xoogaga Tigrayga ah.

Saddex illo wareed amni oo ku sugan gobolka Amxaarada ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay boqolaal askar ku waayeen dagaalka Dansha.

Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijin karin tirada saxda ah, inkasta oo diblumaasiyiinta ay rumeysan yihiin in boqolaal ay geeriyoodeen. Shaqaalaha caafimaad waxay xaqiijiyeen lix dhimasho iyo tobanaan dhaawac ah.

Jabhada Xoreynta Tigrayga loona garan og-yahay TPLF, oo ka talisa gobolkaas, ayaa la dagaalantay Eritrea [1998-2000] iyo taliskii Mengistu Haile Mariam oo dagaal ku dhufo-ka-dhaqaaq la galeen sanadka markii uu ahaa 1991-dii.

Ciidamadda iyo maleyshiyadda TPLF ayaa wadar-ahaan ka badan 250,000, waxayna haystaan agab milatari oo culus, sidda ay sheegeen khuburadda.

"Naxariis la'aan"

Dadka Tigrayga ayaa tilmaamay in dowladda Abiy ay si cadaalo darro ah ugu beegsatay howlgalka ka dhanka ah xadgudubyadii hore iyo musuqmaasuqa.

"Fashiistayaashaani waxay caddeeyeen inaysan wax naxariis ah u muujin doonin baabi’inta dadka Tigreega iyagoo ku qaadey in ka badan 10 isku day duqeyn dhanka cirka ah magaalooyinka Tigreega,” ayay kooxda TPLF ku tiri Facebook.

Dowladda federaalka ayaa xaqiijisay duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo xarumaha militariga, balse Garowe Online ma carabaabi karo khasaaraha.

Ciidanka ayaa tibaaxay inay xoojinayaan weerarada iyo in ay isa soo dhiibayaan tiro aad u badan oo ka tirsan ciidamada gaarka ee Tigrayga iyo maleyshiyadooda. Balse waxaa arrintaas beenisay TPLF oo xustey in ay diyaarad soo ridday.

Abiy, askari hore oo barataarayey Tigreega dagaalkii ay la galeen dowladda Ereteriya, ayaa ka dhega-fureystay baaqyada caalamiga ah ee ah wadahadalo kana imaanaya ururka Qaramada Midoobay iyo dowlado kale.

Saxafiyiinta oo ay ku jiraan qaar la tirsan wakaaladdo caalami ah ayaa Isniintii waxay askarta u diideen in ay galaan xerada Dansha sababo ku aadan walaac dhanka amniga.

Banaanka saldhiga, waxaa taagnaa gaadiid ay ku jiraan askar isla markaana lagu soo xardhay boorar ay ku qoran yihiin: "Aan si wadajir ah u dhisno hal dal dimuqraadi ah". Laba diyaaradood waxay ka duulayeen jihada waqooyi.

Dhanka wada aada Dansha oo ka imaaneysa gobolka deriska la ah ee Amxaarada - kaasoo taageeraya dowladda federaalka – waxaa ka muuqdey xaafado dadkii lahaa ay ka barakaceen. Meelaha qaar waxaa lagu arkayaa rag darees caadi ah sita kuwaasoo ku hubeysan qoriga AK 47.

Sidda uu sheegay diblumaasi sarre oo si dhow ula socda qalalaasaha Itoobiya, taageerada uu Abiy ka helayo Amxaarada waxay sii hurineysaa colaadda.

Diblomaasiga ayaa u sheegay Reuters "Itoobiya waxay la mid tahay boqortooyo burbureysa annagoo daawaneyna". "Waxaan u maleynayaa inuu [Abiy Axmed] ka gudbay Rubicon. Wuxuu ku hogaaminayaa waddankiisa oo saaran qarka buur".

Axadii, caasimadda Addis Ababa waxaa 162 ruux oo kasoo jeeda Tigray loo xiray tuhun la xiriira in ay taageerayaan ciidamadda Tigrayga. Talaabadaas waxaa laga cabsi qabaa in ay tahay aargudasho meel kale ka dhacdey.

Si guud dagaalka wuxuu wiiqayaa dhaqaalaha Itoobiya kadib sanado uu koritaan joogto ah ku jiray waddankan ay 110 milyan ruux ku nool yihiin. Si lamida wuxuu kumanaan ku kordhin doonaa boqolaalka qaxay labadii sano ee lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM