Cagjar oo sharaxay xilka qaadista uu Abiy ku sameeyay mas'uuliyiinta
JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Madaxweynaha gobolka Soomaalida ee hoostaga Dowladda Federaalka Itoobiya, Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar], ayaa ka hadlay isku-shaadheyntii uu sameeyay Abiy Axmed iyo howlgalka gobolka Tigrayga.
Xilli ka qeybgalayey barnaamijka Inside Story ee ka baxa Telefishinka Qadar laga leeyahay ee Al Jazeera, Mustafa ayaa ka jawaabay qaar kamid ah su'aallaha ugu muhiimsan ee ku xeeran xaaladihii ugu dambeeyay ee dalkaas.
Sidda laga soo xigtay Mustafa, xilka ka qaadista uu Ra'iisul Wasaare Abiy asbuucan ku sameeyay mas'uuliyiinta kala duwan lama xiriirta colaada Tigray.
"Tani [xil ka qaadista] waxay qeyb ka tahay isku-shaandheynta caadiga ah uu Ra'iisul Wasaaruhu sameynayey labadii sano ee lasoo dhaafay. Talaabadan lama xiriirto xaalada hadda taagan oo sareynta sharciga loogu soo celiyo qayb kamid ah waddanka oo qalad uu ka dhacay," ayuu kaga jawaabay markii la su'aallay sababaha keenay eryida Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Taliyeyaasha.
Cagjar oo si cad u taageeray gulufka milatari ee maamulka Abiy ku qaadey ismaamulka waqoyga dhaca ayaa meesha ka saarey in uu horseedayo colaad sokeeye, taas bedelkeeda looga hortagayo "rabshado dhici lahaa".
"Waxa aan ognahay waa in TPLF ay weerartay Taliska Ciidamada Waqoyga, waxay halis gelisay Qaranka mana jirto waddo aan ahayn in la qaado howlgal lagu fulinayo sharciga," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Cagjar.
Isaga oo sii hadlaya ayuu xusay; "Taas ma joojineyso ama sharci kama dhigeyso talaabada Ra'iisul Wasaaraha ama dowladda federaalka maxaa yeelay in aan daawado TPLF oo dhamaan dadka Tigrayga ugu qaadaneysa madax furasho waajibaadka doorashada waxay dalka gelineysaa rabshad".
"Marka halkii [howlgalka] ugu calaamadeyn lahayn mid horseedaya dagaal sokeeye waa in aan u aqoonsanaa mid ka hortegaya dagaal sokeeye sababtoo ah TPLF ayaa ka shaqeyneysa ama kala qeybineysay dalka kadib markii ay weyday awooda," ayuu hoosta ka xariiqay hogaamiyaha Kalinka Shanaad.
Mar la waydiiyey hadii Abiy ogolaan doono baaqyada xabad-joojinta, Cagjar ayaa carabka ku dhuftay "in lasoo dhaafay xilligii wadahadalka. TPLF ma dhageysan markii Ra'iisul Wasaaraha iyo baarlamaanka ku boorinayeen is-faham iy wadaxaajoodka. Hadda wxaa lasoo gaarey xilligii la fulin lahaa sharciga".
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo daneeyeyaal kale oo walaac ka muujiyey xaaladaha kasoo kordhay Ethiopia ayaa ku baaqay in xabada la joojiyo isla markaana dhinacyada ay miiska wadahadalka isugu yimaadan.
GAROWE ONLINE