"Cidda ka dambeysay" weerarka lala eegtay Xamduuk oo la shaaciyey

Image

KHARTUUM, Suudaan – Dowlada Suudaan ayaa durba warbixin rasmi ah waxay kasoo saartay weerarkii lagu qaadey kolanyo galbineysay Ra'iisul Wasaaraha waddankaas, Cabdalla Xamduuk, Isniinta maanta ah.

Xamduuk ayaa lala eegtay qarax burbur maaliyadeed sababay, falkaas oo lagu sifeeyay "isku day la doonayay in lagu khaarijiyo".

Warbaahinta maxaliga ah ayaa illo wareedyo aysan magacaabin kasoo xigtay in Xamduuk la beegsaday xili uu kusii jeeday xafiiskiisa si uu u guto waajibaadka shaqo ee qarankiisa uu u haayo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter—ka ayuu ku sheegay in falkaas uusan saameyn doonin isbedelka uu damacsan yahay in uu ku sameeyo guud ahaan siyaasada dalkaas.

Dhinaca kale, Falih Salih, wasiirka warfaafinta Suudaan, ayaa daboolka ka qaadey in qaraxaas ay ka dambeysay "koox argagixiso ah".

Inkastoo uusan carababaabin koox gaar ah, hadana wuxuu raaciyey "baaritaan ayaa lagu bilaabay, waana la shaacin doonaa natiijada".

"Argagixisada iyo nidaamkii hore waxaa loola tacaali doonaa sidda ugu adag," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa, isagoo kadib qaraxa la hadlay war-fidiyeenka.

Cabdalla Xamduuk, oo ah dhaqaale-yahan haysta waaya aragnimo in ka badan 30-sano ah, ayaa waxaa xilka ra'iisul wasaaraha loo magacaabay bishii August kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM