Ciidamada Difaaca Kenya oo bartilmaameedsanaya Masaajida

Image

NAIROBI, Kenya – Kadib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab iyo howlaha xagjireynta, taliska ciidamada difaaca Kenya ayaa wuxuu ku qasbanaadey inuu wax ka bedelo istaraatiijiyada la dagaalanka argagixisada.

Qorshaha cusub oo lagu beegsanayo goobo bartilmaameed ah ayaa waxaa kamid ah Masaajida iyo Madrasooyinka Islaamiga ah.

Iyagoo kaashanaya Booliska u tababaran la dagaalanka argagixisadda, ciidamada ayaa ku duulaya goobahaas si ay uga soo qabtaan "dambiileyaasha".

Taliska Ciidamada Kenya ayaa sheegay in xeeladan cusub ay ugu talagaleen in ay qaab feker ah ula diriraan xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Baraha ay calaamadeysteen waxay tilmaameen in ay ku tuhmayaa in dhalinyaradda loogu qoro maleeyshiyaadkaas.

Imaamo Masaajid oo si lamid ah qeyb ka ah ciidamada ayaa barnaamijkaan ka fulinaya waqooyi bari si lamid ah goobaha la tuhmayo.

Talaabadii ugu horeysay waxaa lagu xiray Madrsada Husna, wallow aan fahfaahin laga bixin sababta ka dambeysa iyo natiijada baaritaanka.

Tan iyo bilowgii 2020, Al-Shabaab ayaa 20 ruux ku dishay Kenya kadib weeraro jidgal ah oo ay ka fulisay gobolada ku dhow xadka Soomaaliya. Weerarada waxay dhacayaan tan iyo markii ay ciidankeeda ku biireen AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM