Ciidamadda Itoobiya oo "bilaabay" in ay ka hayaamaan Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamadda Difaaca Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan waddankooda, sidda lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee Associated Press [AP].

Sidda ku xusan qormaddan ciwaan looga dhigay "Maxay Itoobiya qarka ugu saaran tahay dagaal sokeeye", talaabadan ayaa si toos ah waxay ula xiriirtaa xiisadda ka aloolsan gobolka waqoyga dhaca ee Tigreeyga.

Kaliya ma ahan Soomaaliya, ciidanka Itoobiya ka joog Suudaan ayaa, sidda ku cad maqaalka, waxay dhankooda bilaabeen in ay ku guriya noqdaan.

Ma cadda hadii dib-u-gurashadan ay ku timid amar sarre oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Difaaca Itoobiya ee fadhigiisu yahay Addis Ababa.

Iyaddoo is-mari-waaga kasoo bilowday dib-u-dhaca doorashooyinkii loo qorsheeyay August, ismaamulka Tigreeyga waxaa isku haya xoogaga siyaasadeed ee gobolkaas ka arimiya ee TPLF iyo xukuumada Abiy Axmed.

Ra'iisul wasaare Abiy oo ururka TPLF ku eedeeyay in ay ka gudbeen "qad casaan ah" markii ay weerar gaadmo ah ku ekeeyeen ciidamada federaalka ee halkaas ku sugan ayaa amray ciidanka "in ay badbaadiyaan qaranka".

Go'aankaas uu Abiy ku iclaamiyey dagaalka "oo aan ahayn xal" ayaa dhabaha u xaari kara dagaal sokeeye, sidda ay odoraseen falanqeeyeyaal, waxaana uu saameyn aan fiicneyn ku yeelan karaa gobolka Geeska Afrika.

Abiy oo ku guuleystay abaalmarinta Nabada Aduunka ayaa u muuqda mid gobolkii uu xasiloonidiisa u ololeynayey uu haatan khatar gelinayo.

Ciidamadda Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa fariisimo ku kala lahaa maamulada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed – kuwaaso dhamaantooda sohdin la wadaaga waddanka ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Howlgalka Midowga Afrika ee magaciisa loo garan og-yahay AMISOM kaasoo ay maalgeliyaan daneeyeyaasha caalamka si gaar ah ururka Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka ayay kamid ahaayeen wadamadda lagu yagleelay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM