Ciidanka Sudan oo la wareegay Magaalo istiraatiiji ah oo ay haysatay RSF

Image

QAHIRA — Milatariga Sudan ayaa Sabtidi shalay sheegay in ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani ee bartamaha Sudan, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in ay bannaanka uga saaraan xooggaga RSF.

Qabsashada Wad Madani ayaa ciidamada qalabka sida ee Sudan uga dhiganaan doonta, tallaabo weyn oo ay horay ugu qaadeen dagaalka ay uga soo horjeedaan fallaagada, iyo magaaladi ugu weyneyd ee ay dib u qabsadaan ku dhawaad labada sano ee uu socda dagaalka sokeeye ee Sudan.

Ciidamada ayaa faafiyay muuqaal tusinaya milatariga oo ku jira gudaha magaaladan oo ah caasimadda gobolka caanka ku ah beeraha iyo ganacsiga ee Al Jaziira. Gobolkan ayaa waxaa heystay RSF tan iyo bishi December ee sannadki 2023.

Dib u qabshada magaalada Wad Madani ayaa lagaa yaabaa in ay baddasho jihada uu ku socday dagaalk Sudan. Dagaalka oo ku billowday khilaaf ka dhashay isku dhafka malleeshiyada RSF iyo ciidamada millatariga ayaa bilowday bishi April ee sannadki 2023-ki.

Tan iyo markaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku barakaceen in ka badan 12 milyan oo ruux, kumannaan ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen colaadda, halka kala bar shacabka ay wajahayaan gaajo.

Related Articles

Kenya oo shacabkeeda ku boorisay inay ixtiraamaan madaxbannaanida dalalka kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa sheegay in Kenya ay ixtiraamayso madax-bannaanida Tanzania.

  • Afrika

    01-11-2025

  • 11:42AM

Tanzania: Samia Suluhu Hassan oo ku guuleysatay doorasho muran dhalisay

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay natiijada, iyagoo sheegay in Samia ay ka guuleysatay dhammaan degmooyinka.

  • Afrika

    01-11-2025

  • 08:33AM