Colaada waqoyga Itoobiya: Caasimada ismaamulka Tigray oo "la duqeeyay"

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamadda Cirka dalka Itoobiya ayaa duqeeyay caasimadda ismaamulka Tigray ee Mek'ele, sidda uu wariyey bogga Democracynow.org, kaasoo ka dhawaajiyey in howlgalkaas qeyb ka yahay guluf cusub.

Lama ogga goobaha la bartilmaameedsaday iyo khasaaraha ka dhashay. Ma jiro mas'uuliyiin ka tirsan labadda dhinac oo ka hadlay duqeynta.

Hadii la xaqiijiyo, waxay duqeyntaas imaaneysaa xilli Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu shaaciyey in ay dhamaatay mudadii saddexda casho ahayd oo ay qabteen dagaalameyaasha Tigray iyo madaxa si ay isu soo dhiibaan.

Abiy oo u muuqda mid diiday baaqyadda caalamiga ah ee xabad-joojinta ayaa ka dhawaajiyey in ay qaadaan weerar uu ku sheegay in uu yahay midkii ugu dambeeyay oo ay ku dhaqan-gelinayaa sharciga.

Inkasta oo uusan si rasmi ah u muddeyn, haddana wuxuu carabka ku dhuftay in duulaankaas ay qaadi doonan maalmaha nagu soo fool leh.

Colaadda ka oogan waqoyga Itoobiya ayaa gashay todobaadkii labaad, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii daba-dheeraato arrintaasoo dhabaha u xaari karta dhibaato bini'aadanimo iyo qalalaase dhanka amniga ah.

Qaramadda Midoobay oo ka digtay in howlgalka maamulka Abiy sababo dambiyo dagaal ayaa xaqiijisay in illaa haatan ay dagaaladdan ku barakaceen kumanaan, halka boqolaal askar iyo shacab ah ay naftooda ku waayeen.

Talaadadii, guddiga dowladda u saartey la tacaalida howlgalka ayaa xoogaga Tigray ku eedeeyay in ay burburisay buundooyin isku xira caasimadda Mekelle iyo qeybaha kale ee dalka si aysan halkaas u gaarin ciidamada.

Jabhadda TPLF ee ka talisa dowlad goboleedkaas ku yaala waqoyga dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaan ka jawaabin eedeynta.

Xaaladda ka aloolsan waqoyga Ethiopia oo asbuucyadii ugu dambeeyay haysatay warbaahinta caalamka ayaa u muuqaneysa mid saameynteeda sii cuslaan karto hadii darafyadda dirirto ka dhaxeyso garan waayaan wada-xaajoodyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cholo Abdi: Ninka kooxda AS u fulin rabay weerar lamid ah dhacdadii 9/11

Eedeysanahan ayaa u dhashay Kenya waxaana uu tababar kusoo qaatay dalka Filipin.

  • Afrika

    30-10-2024

  • 01:28PM

Abiy: Hadafkeena ugu weyn maaha in aan helno saddex waqti cunto ah maalintii

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay hogaanka xisbigiisa Barwaaqo.

  • Afrika

    29-10-2024

  • 11:33AM