Dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab oo afduubtay saddex qof

Image

NAIROBI, Kenya – Maleeyshiyaadka lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab ayaa ismaamulka Gaarisa ee waqooyi barri Kenya waxay Arbacadii ka qafaasheen saddex qof oo faryaama ahaa, sidda uu sheegay taliska booliska.

Shaqsiyaadkan kusii jeeday tuulada Lafey ayaan u dhalan degaanka, waxaana laga watay meel 30 KM u jirta goobtii ay ku wajahnaayeen. Sidda ay warbixinada xusayaan, waxaa gaarigooda u gacan-haatiyey dabley.

Wargeyska The Standard ayaa wariyey in ay jirto cabsi ah in falkaan uu la xiriiro is-qabqabsi beeleed muddooyinkii dambe halkaas ka jirtay.

Sidda ku cad fahfaahinta, saddexdaan qof oo nolol maalmeedkooda ka dhacsada dhismaha guryaha ayaa u socday shaqo looga sheegay Lafey.

Rono Bunei, taliyaha booliska gobolka oo Khamiista maanta ah u waramay war-fidiyeenka, ayaa daaha ka rogay in ay bilaabeen baaritaan.

"Waxaa shaki nagu abuuray qaabka ay ku ogaadeen in saddexda ruux ay saaran yihiin baska isla waqtigaasna ay gooni ula baxeen si ay su'aallo u waydiiyaan," ayuu ku daray, isagoo ka fogaadey fahfaahin dheeraad ah.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab kuna saabsan dhacdadaan lasoo wariyey fiidnimadii Arbacada shalay ahayd.

Beegsiga dadka aan degaanka u dhalan, ciidamadda iyo shaqaalaha dowladda Kenya ayaa aad ugu badan agagaarka degaanka Lafey iyo guud ahaan gobolka Mandera, halkaasoo Al-Shabaab afduub iyo weeraro ka fulisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM