Dableydii fulisay weerarkii DusitD2 oo la magacaabay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya – Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa baahisay magacyadda iyo sawiradda dagaalameyaashii u fuliyey weerarkii DusitD2 ee caasimada Kenya ee Nairobi, laba sano kahor, halkaasoo ay ku dhinteen 21.

Muuqaal ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa muujiyey dableyda oo ku sugan goob aan la shaacin maalin kahor inta uusan weerarku dhicin.

Dableyda oo saddex kamid ah ay Kenyan yihiin, laba kalana Soomaali ayaa kala ah; Ali Salim Gichunge oo loo garan og-yahay Abu Sakeena, Osman Ahmed Hassan Azzam, Mahir Khalid Riziki Jibril Simba, Muhammad Adan Nur Farhan Yare, iyo Abdulqani Arab Yusuf Farhan Dheere.

Xilli goobta looga duubay muuqaalka loo maleynayo isla gudaha Nairobi, muuqaalka wuxuu sidoo kale muujinayaan maleyshiyadda oo ku caweyneysa qolka looga qabtay muuqaalka kuna xardhan calanka Shabaab.

Si lamid ah, wuxuu muuqaalka tusinayaa dagaalameyaasha oo daawanaya muuqaal laga soo duubay Osama bin Laden isla markaana uu hadal-jeedin u sameynayo Osman Ahmed Hassan Azzam, oo Kenya ku dhashay.

Iyadda oo weerarka lasoo afjaray kadib 24 saacadood, dhismaha DusitD2 oo ka kooban huteelo iyo xarumo ganacsi kale ayaa ku yaala xaafadda Westlands ee magaala madaxda waddankan dhaca Geeska Afrika.

Abu Sakeena waxaa dhalay sarkaal ka tirsan booliska Kenya, Cabdalla Saalim. Baaris horudhac ah waxay muujiyeen in aysan wada xiriirin tan iyo markii ay kala tageen hooyadii, Maryama Saliim taasoo bileysku su'aallay.

Sidda ay warisay warbaahinta maxaliga, Abu Sakeena wuxuu xiriir kala dhaxeeyay haweenay lagu magacaabo Violet Kemunto Omwoyo taasi oo la rumeysan yahay in ay Soomaaliya u baxsatay maalin kahor weerarkaas.

Baahinta muuqaalka ayaa imaaneysa maalmo kadib markii Mareykanku shaaciyey in ciidamadda ka jooga Soomaaliya u wareejinayo Kenya iyo Jabuuti. Maamulka Donald Trump ayaa xusay in askarta baxayaan 2021.

Sidoo kale, waxay kusoo aadeysaa iyaddoo la filayo in sanadka dambe ay dalka ka hayaamaan ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM. Inkasta oo ay weysay xubno iyo degaano, Al-Shabaab wali waa khatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo 15 carruur ku jiraan oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

Jimcihii, waxaa la helay meydadka 52 nin, 42 haween ah, sagaal gabdhood iyo lix wiil. Axaddii, waxaa la soo helay 30 meyd oo kale.

  • Afrika

    11-10-2026

  • 08:51PM