Dagaalameyaal Al-Shabaab ah oo ku dhamaadey weerar ay maleegayeen

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex dagaalame oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa ku naf-waayey markii ay ku qaraxdey Miino ay maleegayeen, sidda lagu sheegay warbixin kasoo baxdey taliska ciidamadda booliska dalka Kenya.

Sidda ku xusan warbixinta, dhacdadaan ay sidoo kale ku dhaawacmeen afar maleyshiyo kale ayaa ka dhacdey degaanka Faafi ee ismaamulka Garissa.

Goobjoogeyaal ayaa soo wariyey in gaari nooca raaxada ah oo ka yimid xerada Al-Shabaab ee Santaro ayaa lagu daad-gureeyay dhaawacyadda.

Dadka degaanka ayaa intaas ku daraya in baabuurka uu watay taarikada Soomaaliya noociisana uu ahaa Cabdi Bila laba shirey ah.

"Waxaan Khamiistii, 10-ka September, nagula soo wargeliyey in abaare tobbankii galabnimo ay degaanka Fafi ee ismaamulka Garissa ay qaraxdey Miino iyaddoo xubno lagu tuhmayo Al-Shabaab ay diyaarinayeen," ayuu yiri taliska.

Qoraalka ayaa la raaciyey; "Qaraxa wuxuu dilay saddex maleeyshiyo ah oo isla goobta ku naf-baxdey, afar kalena waxaan soo gaarey dhaawacyo".

Dhacdadaan ayaa kusoo hagaageysa ku dhowaad laba bilood kadib markii Al-Shabaab ay beegsatay saldhiga Korakora ee isla dowlad goboleedkan.

Shacabka ayaa soo wariyey in dagaalameyaal ka badan 20 ay qaadeen weerarkan lagu ekeeyay anteenada shir isgaarsiineed kahor inta aysan saraakiisha ka hortagin waxyeelo badan.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi barri, Rono Bunei, ayaa tilmaamay in falkaas uusan khasaaro dhimasho ah kasoo gaarin saraakiisha taliskooda.

Sarre u kac badan ayaa laga dareemayaa weerarada argagixisada la xiriira ee xuduudka ugu muhiimsan Soomaaliya iyo Kenya, iyaddoo warbixino sirdoon ay ka dhigayaan in xoogaga hubeysan ay beegsan karaan xarumo muhiim ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM